Ururka Midowga Afrika oo waqtiga dheeri ah ugu daray Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya.

Africa Union peacekeepers

Halkaan ka akhri

War uu soo saaray Ururka Midowga Africa ayaa  sheegayaa in Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya waqtiga loo dheereeyey ilaa muddo 7-bilood ah inay ka sii howlgalaan  gudaha wadanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa ahna Safiirka wadanka Jaad ayaa sheegay in Ururka uu go’aansaday in uu dib u cosboonaysiiyo waqtiag sii joogitaanka ciidamada midowga Africa iyadoo lagu kordhiyay 7-bilood oo ka bilaabanaysa 17-ka bisha June ee Sanadka 2009-ka oo maalinta berri ah ku beegan.

Shariif  Max’ed  Zene, wuxuu sheegay in ay doonayaan in ay sii balaariyaan howlahooda nabada ilaalinta ee Soomaaliya,isagoo ka hadlay in golaha uu weydiistay gudiga Ururka Midowga Africa in ay dib u eegaan sharuucda u degsan Maamulka AMISOM taasoo ah in lagu taageero qalab militari sahay iyo taageero militari si ay u gacan siiyaan dowladda KMG Soomaaliya.

Sida aad la socotaan Ciidamada nabada ilaalinta ee midowga Africa (AMISOM) ayaa la keenay Soomaaiya bishii Maarso  Sanadkii 2007-da waxayna ku xisaabtamayaan in ka badan 4300- boqol oo askari oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi kuwaasi oo haatan Ilaalo ka haya goobo Istaraatiija ah oo ku yaala magaalada Muqdisho gaar ahaan madaxtooyada,dekadda iyo Airport-ka Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyuhu wuxuu caddeeyey in ciidamada AMSIOM aan loo ogoleyn in ay ka bar bar dagaalamaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya balse ay xaq u leeyihiin in ay iska difaacaan hadii si toos ah weeraro lagu Soo qaado.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Bishii May 26-keedii ogolaaday in la kordhiyo howlgalka Ciidamad Midowga Africa ee Soomaaliya ilaa January 31-keeda  iyagoo balan qaaday $72-oo doolarka Maraykanka oo ay ku taageerayaan Ciidamada Midowga Africa ee jooga Soomaaliya.

Ugu dambayntii Mr. Shariif Max’ed Zene wuxuu sheegay in dalalka Malawi iyo Siralion ay horay u balan qaadeen in Ciidamo nabad ilaalin ah ay u soo diraan gudaha wadanka Soomaaliya si ay ugu biiraan kuwa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: