Golaha Amaanka iyo Nabad-galyadda ee Midowga Afrika oo ka hadlaya Arrimo la xiriira Xaaladda dalka Soomaaliya.

Afrika - Kopie

Halkaan ka akhri

Guddiga Golaha Amaanka iyo Nabad-galyadda ee Midowga Afrika oo shalay Isniinta ahayd kulan ku saabsan Xaaladda Soomaaliya ee dhinaca Amaanka, Siyaasadda, iyo Bani-aadamnimadda ku Yeeshay Magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Ramadan Camamra oo Kulankaas shir-gudoomiye ka ahaa ayaa sheegay in shirkaas looga wada hadlayay Warbixin uu soo gudbiyay Gudoomiyaha Midowga Afrika Jian Ping oo ku saabsan Qadiyadda cakiran Soomaaliya ee dhinaca Amaanka, Siyaasadda iyo Bani-aadamnimadda iyo arimo kale.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Shirkani lagu lafaguro Natiijaddii ka soo baxday kulankii ugu danbeeyay ee ay Rooma ku yeesheen Kooxda Xiriirka Soomaaliya Isbuucii la soo dhaafay kaas oo ujeedkiisu ahaa sidii loogu fidin lahaa DKMG ah Kaalmo iyo sidii looga hortagi lahaa Burcad Badeeda ka Qowlaysata Xeebaha Soomaaliya.

Kulanka Golaha Amaanka iyo Nabad-galyadda ee Midowga Afrika waxaa ka qeyb galay Ururrada iyo Hayádaha Qaramada Midoobay , Jaamacadda Carabta, IGAD oo ay matalayso Itoobiya, iyo xoghayaasha Ciidamadda Burundi iyo Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

Hase yeeshee ilaa iyo hadda lama soo bandhigin Goorta uu soo gebagebeynayo Shirkaas iyo sidoo kale waxa ka soo bixi doonoba.

SomaliSwiss    Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: