Fadhiga Baarlamaanka dawladda KMG Soomaaliya oo loo raray xaruntii hore ee gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Baarlamaanka dawladda KMG ayaa sheegay in xarunta Baarlamaanka laga soo wareejiyay xaruntii Gaadiidka Booliska loona soo wareejiyay xarunta maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in dhowaan uu u qabsoomi doono kulankoodii Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in howlo dayactir ah laga bilaabay xerada Gaadiidka Booliska, halkaas oo uu ka dhacay Shirkii ugu dambeeyay ee uu yeeshay Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu intaasi raaciyay in kulankooda ugu soo horeeya uu Baarlamaanka ka doodi doono heshiiskii dhanka badda ee ay wada galeen dawladda Soomaaliya iyo Kenya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay xildhibaanada ka maqan magaalada Muqdisho in ay soo xaadiraan si loo helo kooram buuxa oo uu ku furmi karo kulanka Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in uu dhamaaday xiligii loo qabtay xildhibaanada oo ay si deg deg ah ku soo xaadiraan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: