Dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda KMG iyo xoogagga Al-Shabaab oo dhacay deegaanka Gal-galato ee duleedka magaalada Muqdisho.

al-shabab--

Halkaan ka akhri

Deegaanka Gal-galato oo dhinaca Waqooyi Bari uga aadan magaalada Muqdisho ayaa waxaa Saakay ka dhacay dagaal la isku adeegsaday Hubka Noocyadiisa kala duwan, isla markaana socday in ka badan muddo hal Saac ah.

Wararka ka imaanaya goobta dagaalka ayaa sheegay in dagaalkan uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo halkaas ku lahaa Bar Kontarool iyo Xoogag taabacsan Al-Shabaab oo iyagu weerarka ku qaaday.

Sheikh Cali Maxamuud Raage oo ah Afhayeenka  Xarakadda Al-Shabaab  oo Saakay Shir Jaraa’id u qabtay Saxaafadda ayaa ka warbixiyay Dagaalkii Saaka ka dhacay Deegaanka Gal-galato, wuxuuna sheegay in ay Deegaankaasi la wareegeen gacan kuheynteeda, isla markaana ay ka qabsadeen Ciidamada Dowladda KMG ah 3 Gaadiidka Dagaalka ah oo kala ah 1 Shilke, 1 Zuu iyo 1 B-10 ah.

Balse Afhayeen ma uusan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkaasi balse waxaa la filayaa in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac sida dadka Deegaanku ay sheegayaan.

Dhanka kale ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Dhinaca Dowladda KMG ah ee la xiriira dagaalkan.

Si kastaba ha ahaatee dagaalada kasoo cusboonaaday bariga Muqdisho ayaa dhibaata ku ah kumanaan qoys oo ka barakacay dagaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Mudisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: