Dowladda KMG Soomaaliya oo Wafdi balaaran u diraysa degmooyin katirsan Gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan-shakuur - Kopie

Halkaan ka akhri

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa la sheegay in ay wado qaban qaabada wafdi balaaran oo ay u diri doonto degmooyinka Guri Ceel iyo Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud, Wafdiga u safraya degmooyinkaasi ayaa isugu jira Wasiirro iyo xildhibaano dowlada KMG ee ka soo jeedo Gobolka Galgaduud.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxey wada shaqeyn xaga ammaanka ah dhowaan ka wada hadleen Culimada Ahlu Sunna Wal-Jameeca  oo Awood ciidan ku leh degmooyin Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Iskaashiga caalamiga dowladda KMG C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa la filayaa in uu hoggaamiyo wafdiga balaaran ee dowladda KMG ah ay u dirayso Gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo Maalin ka hor Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Ururka Suufiyadda Ahlu Sunna iyo dowlada Soomaaliya ay yeelan doonaan iskaashi ku dhisan Siyaasad iyo la dagaalanka Xoogaga ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

Wafdiga dowlada KMG Soomaaliya ka socda ayaa lasheegay in ay tegi doonaan ilaa iyo sedax degmo oo kala ah Dhuusamareeb, Guri-Ceel iyo Caabud-waaq.

Sidoo kale waxaa jira Wafdi kale oo tegi doona degmada Caabudwaaq, kaasoo uu hogaamin doona C/waaxid Goonjeex Wasiirka Batroolka ahna Ra’isal wasaare Ku-xigeenka dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: