Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya oo ka warbixiyay dagaal dhex maray ciidanka dowladda KMG Soomaaliya.

bariise

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya C/llaahi Xasan Bariise ayaa ka warbixiyay dagaal Shalay Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG ku dhex maray Ex Control Afgooye.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dagaalka dhex maray Ciidamada Dowladda uu yahay isku dhac kedis ah, waxaana uu cadeeyay inuu ka dhashay muran ku yimid gaadiid mucaawino ah oo ay galbinayeen Ciidamo kale oo dowladda ah iyo ciidamadii ku sugnaa Ex Control Afgooye.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya C/llaahi Xasan Bariise ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in qadar daqiiqado oo ay labada ciidan is rasaaseeyeen ay soo dhex galeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda, kuwaas oo labada dhinac kala dhex galay sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya wuxuu beeniyay in dagaalkaas uu ka dhashay wax qasaare ah oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray Askartii dagaalantay iyo dad rayid ah intaba, waxaana uu xusay in ay socdaan baaritaano ku aadan sidii uu ku bilowday isku dhaca.

Sida la sheegay dagaalkii shalay dhacay ayaa socday muddo ku dhow saacad wuxuuna u dhexeeyey Ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG Soomaaliya, kaas oo uu ku dhex maray Wadada Ex Control Afgooye, halkaasoo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya, waxaana isku dhacaas ku dhintay ugu yaraan 5-Askari oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaalamay, in kastoo uu beeneeyey Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: