Aadan Garaaso oo sheegaya in xal laga gaaray Khilaafkii u dhaxeeyay Maamulka Maxkamadaha Gobolka Hiiraan iyo Maamulkii kal hore.

 

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanayaa  magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in Khilaafkii u dhaxeeyay Maamulka Maxkamadaha Gobolka Hiiraan iyo Maamulkii kal hore  ay  u dhistay Gobolkaas Dowladdii hore KMG-ka ayaa xal laga gaaray, kadib markii dhowaan ay soo gaareen Magaalada B/weyne Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulkaas.

Warkan oo laga soo xigtay Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo horey u ahaa Duqii Magaalada B/weyne ayaa sheegay in la dhameeyay wixii xurguf ahaa oo u dhaxeysa iyaga iyo Maamulka Maxkamadaha ee horay u dagaalamay.

Aadan Garaaso oo la hadlayey Warbaahinta Gobolkaas ayaa cadeeyay in ay Magaalada B/weyne u yimaadeen sidii shacabka Gobolka Hiiraan ugu muujin lahaayeen taageerada Dowladda KMG, isagoona tilmaamay inay lama huraan tahay in la taageero Dowladda.

Sidoo kale Aadan Garaaso wuxuu sheegay  intii uu ku sugnaa Magaalada B/weyn ay u suurta gashay in ay kulamo kala duwan la qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan.

Aadan Garaaso oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri “Dhamaan wixii khilaaf ahaa waa la dhameeyay, waxaana socda kulamo aan dadka reer Hiiraan uga dhaadhicin laheyn sidii ay Dowladda u taageeri lahaayeen, waxaana isku afgaranay in taageero hiil iyo hooba lala garab taagnaado Dowladda”.

Dhanka kale waxaa dhowaantan  soo gaaray  Magaalada B/weyn Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan oo uu wehliyay Wasiirka Amniga Qaranka ee Dowladda KMG, iyagoona la soo galay Ciidamo fara badan. 

SomaliSwiss    Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: