Dagaalo xooggan kadib ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo lawareegay gagan ku haynta degmada Dharkeynleey & Ex-kontrol.

Ciidanka Amniga

Halkaan ka akhri

Degmada Dharkaynley ee Gobolka Banaadir oo Shalay ilaa iyo Xalay uu dagaal iyo duqaymo u dhaxeeya ciidmada dowladda KMG ah iyo Xoogagga ka soo horjeda ee Al-Shabaab iyo Al-Xisbul-Islaami ayaa ugu dambeyntii Ciidamada DKMG Soomaaliya waxaa ay Saakay gaareen Ex-kontorol Afgooye.

Guud ahaan Degmada Dharkaynleey ayaa waxaa haatan ku sugan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo iyagu Shalay Qabsaday dagaal xoogan oo ay la galeen xoogagga Mucaaradka ee Al-Shabaab.

Sidoo kale Ex-kontrol Afgooye oo ay xalay Maqribnimadii la wareegeen Xoogagga Al-Shabaab ayaa Saakay waxaa la wareegay Ciidamada dowladda KMG ah oo hadda ku sugan.

Saraakiil katirsan Maxkamadaha Islaamka qebta dowladda KMG Soomaaliya ayaa inoo xaqiijisay in ay lawareegeen deegaano badan hadii Illaah yiraahdana ay rajeynayaan in ay guud ahaan magaalada Muqdisho gacanta ku dhigaan Maalmaha soo socda.

Si kasta ha ahaatee dagaalada Maalmahan dambe kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho ayaa sida muuqata waxaa inta badan looga adkaaday xoogagga Mucaaradka ee ladagaalamaya ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: