Dawladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo gaba gabeyn doonto dagaalada kasocda magaalada Muqdisho.

Farxaan Cali Maxamuud

Halkaan ka akhri

 Wasiirka warfaafinta dawladda KMG Soomaaliya oo duhurnimadii Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalada Maalmahan hareeyay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta dawladda KMG Soomaaliya Farxaan Cali Maxamuud ayaa sheegay in si deg deg ah loo soo gaba gabeyn doono dagaalada, lagana adkaan doono kooxaha Mucaaradka ee ladagaalamaya dowladda KMG Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay dhacdo aad u fool xun oo galinkii dambe ee shalay ka dhacday masjid ku yaala degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhaqan hareeraha Masjidkaasi ayaa warbaahinta waxay u sheegeen in Masjidka lagala soo baxay dad badan, kadibna si bareer ah loo toogtay, iyadoo lasheegay arrintaasi in ay ka dambeeyeen Askar ka tirsan dawladda KMG Soomaaliya.

Farxaan Cali Maxamuud ayaa intaa ku daray in baaritaan lagu sameynayo arrintaasi, kadibna la qaadi doono talaabo adag oo ka dhan ah dhacdadaasi foosha xun.

Warkan Maanta ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dawladda KMG Soomaaliya ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo dagaalo xoogan ay weli ka socdaan meelo kala duwan oo kamid ah magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: