Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ahlu Sunna iyo Al-Shabaab oo ka Qarxay sohdinta ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Galguduud.

Ahlu Sunna

Halkaan ka akhri

Raali gelin ku aadan warkan oo aanu ku sheegnay in magaalada Baladweyne uu ka qarxay dagaal, warkaas oo khalad dhinaca qoraalka ah ku baxay, balse dagaalka uu yahay mid ka qarxay Soohdinta u dhaxeysa gobolada Hiiraan iyo Galguduud, una dhaxeeya xoogagga Ahlu Sunna Wal-Jameeca iyo Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah.

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ururka Ahlu Sunna Waljameeca iyo weliba Ururada Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo isku dhinac ah ayaa waxaa uu goor dhow ka qarxay sohdinta ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Maalmahan dambe dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u balaaran laga dareemayay gobolka Hiiraan, kaasoo ay muujinayeen xoogagga Ahlu Sunna iyo Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda lama sheegi karo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi ka qarxay soohdinta u dhaxeysa gobolada Hiiraan iyo Galguduud.

Maaha markii ugu horeysay ee uu dagaal ku dhex dhexmaro xoogagga Hubeysan ee Ahlu Sunna Wal-Jameeca iyo Al-Shabaab gobolada Hiiraan iyo Galguduud.

Waxaa kasoo cosboonaada dagaaladan dib kala soco..

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: