Agaasimahii TV-ga Universal Qeybtiisa magaalada Muqdisho Ibraahim Max’ed Cali (Jeekey) oo ay Koox hubaysan afduubteen.

Ibraahim Jeekey

Halkaan ka akhri

Koox dablay ah oo aan lagaraneyn ayaa galabnimadii Shalay afduubtay Ibraahim Maxamed Cali (Jeekey) Agaasimaha TV-ga Universal qeybtiisa magaalada Muqdisho.

Agaasimaha TV-ga Universal ayaa lasheegay markii la afduubanaya in uu howlo shaqa ah kaga yimid dhanka degmada afgooye ee Gobolka Sh/hoose, kuna soo jeeday magaalada Muqdisho.

 Kooxdaasi oo aan illaa iyo iminka haybtooda la garaneyn ayaa kaxaystey Agaasimaha TV-ga Universal Ibraahim Jeekay, iyagoona sida lasheegay marki ay wadanayeen ku dhahayay “qofka aan raadinaynay ayaad tahay”.

Ma cada ujeedada rasmiga ah ee ka dambaysa Afduubkan lagula dhaqaaqay Agaasimaha TV-ga Universal Ibraahim Maxamed Cali (Jeekey), mana jiraan warar intaasi dheer oo ilaa iyo hada ka soo baxay afduubkan loo geystay Agaasimaha TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

SoamliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: