Wasiirka A/Dibedda DKMG Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in aysan u baahneyn kaalmo Military oo caalami ah oo ay isku filan yihiin.

oomaar

Halkaan ka akhri

Wasiirka Arrimaha dibedda ee dawladda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo waraysi siiyay BBC-da ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dawladdiisu aanay u baahnayn kaalmo Militari oo caalami ah, isla markaana ay ku filan tahay in ay iska difaacdo xoogagga Mucaaradka oo u hanqal taagaya in ay burburriyaan oo ay afgambiyaan dawladda Soomaaliyeed ee Sharciga ah.

Maxamed C/llaahi Oomaar  wuxuu sheegay in ciidamada dawladda KMG Soomaaliya iyo Shacabkeeda oo iskaashanaya ay ku filan yihiin dagaallada ay kula xoogagga ka soo horjeeda dawladda oo uu sheegay in ay ku xiran yihiin dalal shisheeye oo dano gaar ah ka leh dalka Soomaaliya, kuwaas oo taageero Militari u fidiya xoogagga mucaaradka si ay u af gambiyaan dawladda  KMG ah.

Wasiirka arrimaha dibadda dawladda KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Oomaar wuxuu intaasi raaciyay in mabaadii’da u degsan dawladdu ay tahay wada hadal iyo dib u heshiisiin iyo in ay gacanta u fidiso walaalaha aan ku qanacsanayn natiijada ka soo baxday shirka Jabuuti, wuxuuna intaasi ku daray in haddii ay taasi suurto gal noqon weyso oo ay xalku dagaal noqdo ay dawladda Soomaaliya awood u leedahay in ay is difaacdo.

Si kasta ha ahaatee hadalkan kasoo yeeray  Wasiirka arrimaha dibadda dawladda KMG Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka ka socdaan dagaallo u dhexeeya dawladda KMG Soomaaliya iyo xoogagga mucaaradka.
 
SomaliSwiss Muqdisho
 
%d bloggers like this: