Wasiirka Amniga Qaranka ee Dowladda KMG Col. Cumar Xaashi Aadan oo ay la socdaan Ciidamo fara badan oo maanta tagay Xarunta G/ Hiiraan.

Cumar Xaashi

Halkaan ka akhri

War goor dhoweyd naga soo gaaray Magaalada Baladweyne ee G/Hiiraan ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan oo ay la socdaan Ciidamo fara badan ay goor dhow uu soo gaaray Xarunta Gobolkaas, sidoo kale waxaa la sheegay  uu la socdo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Waxaa kaloo lagu soo warramayaa in Col. Cumar Xaashi ay wehliyaan ciidamo fara badan oo gaaraya ilaa 1000 askari, kuwaasoo tababar ku soo qaatay gudaha Ethiopia, waxaana uu kala yimid deegaano ka mid ah ismaamulka soomaalida Ethiopia oo uu ka soo kicitimay.

Dhanka kale Col. Cumar Xaashi ayaa imaanshihiisa qeyb ka ah guluf dagaal oo ay Dowladda wado, kaasoo ay ku dooneyso in Gobolada dalka ee ay gacanta ku hayaan Kooxaha ka soo horjeeda ay weerar ku qaado, waxaana la sheegayaa in Cumar Xaashi uu halkaas abaabul ka bilaabi doono.

Sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Maxkamadaha Islaamka ayaa la sheegay inay si weyn ugu soo dhoweeyeen Magaalada B/weyn wafdiga uu horkacayay Col. Cumar Xaashi oo saaka ka soo ambabaxay Deegaanka Kala Beyrka oo Magaalada B/weyn u jirta 30KM.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyi Xubno kale oo Maamulkiisa ka tirsanaa ayaa ku wehliya safarka Cumar Xaashi uu goor dhow ku soo gaaray Magaalada B/weyn, waxaana la soo sheegayaa in dib ugu soo laabashadiisa ay ka dambeysay kadib markii la xaliyay muran ka taagnaa inay dib ugu soo laabtaan Dabageed iyo Saraakiishii kale.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay dhawaantan in uu ku sugnaan doono gobolka Hiiraan, iyadoona taasi ay u muuqato in uu hakaasi ka bilaabi rabo dagaalo uu la galo kooxaha kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo sidan oo kala ah qeybo ka mid ah xadka Ethiopia ay la wadaagto gobolada Bakool iyo Gedo halkaas oo ay joogaan maleeshiyaadkii horay loogaga ceyriyey gobollada Jubooyinka, Gedo Baay iyo Bakool.

SomaliSwiss    Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: