Tacsi Tacsi Tacsi: Allaha u Naxariistee waxaa Xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Aadan Maxamuud (Miig).

Halkaan ka akhri

Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Maxamed Aadan Maxamuud (Miig) oo isagu dhowaan booqasho ku tagay dalka Soomaaliya, imbadana deganaa wadanka Switzerland gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Bern.

Marxuumka geeridiisa ayaa lasheegay in ay ka dambeysay xanuun kusoo booday Maalmihii ugu dambeeyay oo uu Ispital ku jiray.

Marxuum Maxamed Aadan Maxamuud (Miig) ayaa dhowaan ka dhoofay wadanka Switzerland, isagoona aaday wadanka Soomaaliya oo uu marki inoogu war dambeysay inoo sheegay in uu ku haminayo in uu kusoo nasto wadankiisa oo uu xiiso badan u qabo.

Marxuum Maxamed Aadan Maxamuud (Miig) ayaa isla Maanta oo ay taariikhdu tahay 02, Jun 2009 lagu aasay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Switzerland waxey Tacsi Tiiraanya leh u dirayaan Qoyskii Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Aadan Maxamuud (Miig) in illaahay Samir iyo Iimaan kasiiyo Isagana Janadii Fardowsa Illaahay ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Sidoo kale Jaaliyadaha Beelweynta Gaaljecel ee ku kala dhaqan qaaradaha Africa, Europe, America, Australia, iyo wadamada Carabta ayaa waxey Tacsi Tiiraanya leh u dirayaan Qoyskii Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Aadan Maxamuud (Miig) in illaahay Samir iyo Iimaan kasiiyo Isagana Janadii Fardowsa Illaahay ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Taariikh _Nololeedkii Marxuumka oo mudo dheer ka soo shaqeeyay Ciidankii Militariga Soomaaliya ahaana Sarkaal Military ayaanu dib idinkaga  Soo Gudbin doonaa Insha Allah.

SomaliSwiss Bern

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: