Dagaaladii kasocday degmada Yaaqshiid oo Saakay dib u bilowday, iyadoo madaafiic iyo rasaas xoogan lamaqlayo.

ciidanka dowladda

Halkaan ka akhri

Subaxnimadii Saakay ayaa waxaa xaafadaha degmada Yaaqshiid qaar laga maqlayaa rasaasta kala duwan oo ay isweydaarsanayaan ciidanka dowladda KMG iyo kuwa Maxkamadaha oo dhinac ah iyo xoogagga Mucaaradka, waxaana dagaalka uu u muuqdaa mid sii xoogaysanaya saacad walba.

Ciidamo katirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay ku sugan yihiin agagaaraha Saldhiga Yaaqshiid illaa Fagax halka xoogagga Mucaaradkana ay ku sugan yihiin agagaaraha Isgoyska Towfiiq ee magaalada Muqdisho.

Afhayeena u hadlay labada dhinac ee dagaalamaya ayaa iyagu kala sheeganaya midba midka kale in uu ka adkaaday balse illaa iyo hadaa ay socdaan madaafiic iyo rasaas kala duwan oo ay isku ridayaan.

Dadweyne aad u fara badan ayaa ka barakacaya guryahooda ku yaala gudaha degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan dagaal galay Maalintii labaad.

Waxaa sii xoogaysanaya walwalka ay qabaan dadka fara ku tiriska ah ee ku haray guryahooda, iyadoo rasaas xoogan ay ka dhacayaan meelo kala duwan oo ka mid ah gudaha degmada Yaaqshiid.

Dagaalka Maalintiis labaad galay ee ka socda degmada Yaaqshiid ayaa galaaftay nolosha dad fara badan oo rayid ah iyadoo weli ay is horfadhiyaan xoogagga dowladda KMG ah iyo Maxkamadaha oo dhinac ah iyo xoogagga Mucaaradka kuwaas oo weli isku ridayan rasaas cul culus.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: