Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogagga Al-Shabaab oo ka Qarxay degmada Dharkeynley.

dagaal

Halkaan ka akhri

Dagaal xoogan ayaa ka Qarxay Degmada Dherkeynley ee Gobolka Banaadir, kaasoo u Dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa xoogagga Al-Shabaab.  

Mid kamid ah dadka degaanka ayaa inoo Sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ay la wareegeen inta badan degmada Dharkenley, hadana ay  Xabadu ka socoto dhanka deegaanka kax Sheekhaal. 

Iska horimaadka ayaa ka bilowday Xaafadaha Dabaqeynka, Xoosh iyo Deegaanka Kaxda, kaasoo markii dambana ay lawareegeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya. 

Illaa iyo hadda lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan Maanta ka Qarxay degmada Dharkenley, balse dadka degaanka ayaa sheegaya in ay arkeen Meydad wadooyinka yaalay oo ay sheegeen in ay ahaayeen kuwa kamid ah xoogagga Al-Shabaab. 

Si kasta ha ahaatee inta badan degmada Dharkenleey ayaa hadda gacanta ugu jirta ciidanka dowladda KMG Soomaaliya, inkastoo illaa iyo hadda ay xabado kasocdaan agagaarka Kax Sheekhaal.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: