Beesha Ceyr oo si Rasmi ah shaaca uga qaaday in ay taageersan yihiin dowladda Islaamiga Soomaaliyeed.

c-raxmaan-c-shakuur

Halkaan ka akhri

Kullan xasaasi ah oo ay ku yeesheen Caasimada Magaalada Muqdisho Beesha Ceyr  ee Habar gidir oo ka mid ah Beelaha Hawiye ayaa shaaca ka qaadeen in ay taageersan yihiin dowlada Islaamiga KMG ee Soomaaliyeed.

Waxaa kullankan xasaasiga ah ka qeyb galay, Siyaasiyiin, Waxgarad, Culumaa’udiin, Xildhibaano, Ganacsato iyo Wasiiro ka tirsan dowlada KMG oo ka soo jeedaan Beesha Ceyr, waxayna sheegeen in Beeshu ay dowlada ku taageeri doonto naf iyo maal intaba.

Hase ahaatee Siyaasiyiinta Caanka ah ee kullankaasi ka soo qeyb gashay ayaa waxaa ugu cad cadaa Sheekh Yuusuf Maxamad Siyaad “Indha Cadde”, Axmed C/salaan, C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyo siyaasiyiin kale oo beehsa Ceyr ka mid ahaa.

Ugu danbeyntii waxaa saxaafada hadal la xiriira kullankaas siiyey Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga C/raxmaan C/shakuur warsame oo sheegay  in Beeshu ay horsed u noqon doonto taageeridda Dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale C/raxmaan C/shkuur Warsame waxa uu intaasi raaciyey in ay dowladu ka guulaysan doonto kooxo uu ugu yeeray Nabadiid aan doonayn in dalka Soomaaliya yeesho dowlad.

Si kasta ha ahaatee waa markii ugu horaysay oo ay Beesha Ceyr kullan ay ku taageerayaan Dowlada KMG Soomaaliya ku yeeshaan caasimada Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@htmail.com

%d bloggers like this: