Advertisements

Ururka Al-Shabaab oo ka digay abaabulka dagaal iyo dib u howl gelinta Hogaamiye Kooxeedyada ee DKMG ay ka wado Gobolada Dhexe.

Astaanta Al-shabaab.

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ayaa ka digay abaabulo dagaal iyo dib u howl gelin Hogaamiye Kooxeedyo iyo qabaa’ilka oo ay sheegeen in Dowladda KMG ee Soomaaliya ka wado Gobolada Dhexe.

Wakiilka Xarakada Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir Sheikh Cali Maxamed Xuseen ayaa ku eedeeyay dowladda KMG ah in ay abaabul dagaal ka wado Gobolada Dhexe, isagoona cadeeyay inay dooneyso in ay dib u howl geliso Maleeshiyaad beeleedyo iyo Hogaamiye Kooxeedyadii hore.

“Dadka Dowladda sheeganaya waxay wadaan abaabul dagaal, waxay howl gelinayaan raggii Ashahaado la dirirka iyo qabaa’ilo” ayuu yiri Sheikh Cali Maxamed Xuseen.

Sheikhu wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay ayaa Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan uu abaabul dagaal iyo hurin colaado ka wado Gobolka Hiiraan, waxaana uu cadeeyay inuu abaabulkaas hada ka soconaya Gobolkaasi.

Sheikh Cali Maxamed Xuseen oo ka hadlaya arrintaa wuxuu yiri: “Sidaad ogtihiin ninka sheeganaya Wasiirka Amniga ee la yiraahdo Cumar Xaashi, waxaa uu abaabul ka wadaa Gobolka Hiiraan, waxaana uu hurinayaa colaado, iyo inuu kicinayo shacabka, waxaana uu leeyahay Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo duulay, Ajaaniib ayaa ku soo duushay, war Ajaaniibta sow Muslimiintii maahan”.

Si kasta ha ahaatee hadalkan ka soo yeeray Xarakada Alshabaab ayaa ku soo aadaya xilli Ciidamo uu horkacayo Col. Cumar Xaashi ay ka soo tallaabeen xadka Ethiopia, iyagoona kaabiga ku soo haaya Magaalada B/weyn ee Gobolka Hiiraan

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: