Advertisements

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya oo ka hadley booqashadii uu dhowaan ku tagay magaalada Muqdisho.

Shariifka, Sharma'arke & Ould

Halkaan ka akhri

Wakiilka Q.M ugu qaabilsan Arimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould Abdalla ayaa ka hadley Socdaalkii gaabnaa ee uu ku tagay Magaalada Muqdisho, degenaansho la’aanta ka jirtana  ku eedeeyay Siyaasiyiinta Soomaalida.

Ahmedou Ould Abdalla oo wareysi siiyay Wargeyska Asharq-Awsat ayaa dusha ugu laayay dhibaatooyinka iyo Xaaladaha cakiran ee ka taagan Soomaaliya waxa uu ku tilmaamey Siyaasiyiin, balse cidnna si gaar ah uma aanu tilmaamin.

Wakiilka wuxuu sheegay in intuu ku sugnaa Magaalada Muqdisho uu ku soo arkay muuqaal argagax geliyay, burbur xoogan oo gaarey Dalka saameyna ku yeeshay Hay’adihii aasaasiga u ahaa Nolasha.

Hase yeeshee Booqashada  Ahmedou Ould Abdalla ayaa timid xilli Sh. Shariif Sh Axmed oo Madax ka ah DKMG ahi uu qeylo dhaan xoogan u direy Beesha Caalamka taas oo aheyd in Dowladiisa laga soo gaaro wax uu ku tilmaamey Nabad diid halis ku ah.

Wakiilka Qaramada Midoobay wuxuu kloo uu sheegay in Ujeedada socdaalkiisa Muqdisho in ay tahay mid uu ku indho indheynayay Xaalada guud ee ka jirta guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan mid uu ugu kuurgelayay Barakaca ka socda magaalada Muqdisho, hase ahaatee wuxuu warbixin ku aadan Xalinta Mushkilada uu Madaxda Dowladda KMG ka dhageystay.

Sidoo kale Ahmedou Ould Abdalla waxa uu sheegay dadka Soomaaliyeed inay arintooda ku kala aragti duwan yihiin waxa uuna tusaale u soo qaatay 340 Shabakad oo Bar Enternet  ku leeyihiin Dadka Soomaaliyeed oo qolo walba aragtideeda gaarka ah ku baahiso, balse Wakiilku waxa uu sheegay in Dowladda KMG ah ay jiritaankeeda aqoonsan yihiin  Q.M, IGAD, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka, sidoo kalena  ay dhamaan taageeri xoogan u hayaan.

Dhanka kale Wakiilku wuxuu sheegay in Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacey Magaalada Muqdisho ayuu sheegay Xaalada Dowladda KMG ah markii hore ku sugneyd wax ka badeshay, gaar ahaan xaga dib u isu abaabulka iyo nidaamka.

Mar wax laga weydiiyey Joogitaanka Alqacida Soomaaliya wuxuu dafiray arintaas, balse uu  sheegay inay jiraan dad shisheeye ah oo gudaha Soomaaliya ka dagaalamaya, hase yeeshee ma uusan ka  hadlin joogitaanka Alqacida dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: