Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Talyaaniga oo Sheegtay in ay marti galinayso Kulanka Kooxada xiriirka Caalamka Soomaaliya.

Frattini

Halkaan ka akhri

Wasaaradda Arimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa Sheegtay in ay marti galinayso Kulanka Kooxada xiriirka Caalamka Soomaaliya Kaas oo Magaalada Roma ka dhici doona 9-ka ilaa 10-ka June waxaana shir gudoomi doona Ergayga gaarka QM ee arimaha Soomaaliya Ahmed Ould Abbadalla.

Hase yeeshee Safiirka Safaarada Talyaaniga ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa beenisay war sheegayey in kulanka ka dhici doona Magaalada Roma ee Xarunta wadankaasi 9-ka ilaa 10-ka June  lagu casuuntay mucaardka Soomaaliya ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Kulankan uu furi doono Franco Franttini oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga, Waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya Max’ed C/laahi Oomaar sidaas waxaa shaaca ka qaday Safiirka Safaaradda Talyaaniga ee Magaalada Nairobi.

Sida Safaaradda ay sheegtay Kulankaan ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa is badala ugu dambeeyay xagga Siyaasadda iyo Ammaanka ee dhawaanahaan ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidoo kale la isku soo qaadi doonaa la dagaalanka Burcad Badeednimada, arrimaha Gargaarka iyo arimaha dhaqaalaha.

SomaliSwiss  Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: