Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo sheegay in hormar laga gaaray arrimaha la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.

Ahmedou Ould-Abdallah speaks 2

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Xarunta Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in hormar fiican laga gaaray arrimaha  la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Olalaha caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad Badeeda xeebaha dalka Soomaaliya ee halkaasi ay ka wadaan Maraakiibta shisheeye uu keenay hoos u dhac ku yimid  howlgaladii Burcad Badeedii ka jirtay gobolka Gees Africa.

Ahmed Ould Abdalla oo ah Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in joogitaanka dhinaca Badda ee Maraakiibta calamiga uu keenay guul ku saabsan hoos u dhaca falalka isisiitarayay ee burcad badeeda Soomaaliya.

Wakiilku wuxuu sheegay in guushaasi ay ka mid tahay in kooxahaasi si weyn looga fogeeyay goobihii ay ka howlgali jireen isagoona sheegay in howlaha la dagaalanka burcad badeed lagu soo qab qabtay ilaa 100-burcad badeed ah.

Ahmed Ould Abdalla waxaa uu intaasi raaciyay in natiijooyinka laga gaaray howlaha la dagaalanka burcad badeeda ay sidoo kale ka mid tahay in kooxahaasi burcad badeeda lagu qasbay in ay ku bixiyaan in badan oo ka mid ah lacagihii madax furashada ay u qaadan jireen sidi ay uga fogaan lahaayeen in la soo qabto.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa Xeebaha Soomaaliya ku sugan yihiin Maraakiib shisheeye oo Fara Badan, taasoo qeyb ka ah isku day ay Wadamada Caalamka ku doonayaan inay ku yareeyaan falalka Burcad badeeda ku xoogeysatay Marin Biyoodka Caalamiga ee ku Afduubtaan Maraakiibta Ganacsiga.

SomaliSwiss  New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: