Qadaafi oo ka hadlay Afduubka Maraakiibta shisheeye ay u geystaan kooxaha Burcad Badeeda inay tahay shrci.

Qadaafi

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dalka Liibiya Mucamar Al qadaafi ayaa howlaha ka socda biyaha Soomaaliya  ee kooxaha Burcad Madeeda ka wadaan ku tilmaamay kuwo sharci ah oo ay ku difaacayaan qeyraadka biyaha Soomaaliya dalkooda.

Mucamar Al qadaafi oo ka hadlayay kulan socon doona labo maalin oo magaalada SABRATHA ee wadanka Libiya  uga furmay wadamada ku bohoobay Saaxil Wa Saxaraa ayaa hogaamiyaha wadanka Libiya Mucamar Al Qadaafi waxaa uu kooxaha burcad badeeda Soomaalida ku tilmaamay kuwo baahan oo difaacanaya qeraadka baddooda dehan.

Qadaafi wuxuu sheegay in Beesha caalaamka uu u gudobin doono qorshe ku aadan in la ixtiraamo biyaha Soomaaliya oo aan marnaba lagu xadgudbin.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Libiya waxaa uu falalka Burcad badeeda ku tilmaamay kuwo sharic ah oo lagu difaacayo qeraadka Badda Soomaaliya oo ay boobka ku hayaan wadmo uusan carbaabin oo ay ka mid yihii wadamada reer galbeedka.

Madaxweyne Qadaafi waxaa uu ku tilmaamay kooxaha wax ku afduubta biyaha Soomaaliya kuwo aan aheyn burcad badeed isla markaana wadanka Soomaaliya uusan leheyn hay’ada ka difaacda wamada Boobka ku haya qeyraadka badda Soomaaliya ayna tahay in ay difaacdaan qeraadkooda dadka Soomaalida ah,waxaana uu intaasi raciyay in uu ku dedaalayo dhisida urur ay Africa leedahay oo difaaca qeraadka dhanka baddaha ah .

Kulanka wadamada ku bohoobay Saaxil iyo Saxaraa oo ay ka qeyb galayaan 10-hogaamiye oo ka mid ah 28-ka wadan ee ururkaasi xubnaha ka ah ayaa waxaa looga hadlayaa arimo badan oo Soomaaliya quseya.

Waxaana ka qeyb galayaan wadamada: Soomaaliya, Nigeria, Liberia, Ghana, Burkina Faso, Jamhuriyada Africa-da dhexe, Chad, Comoros, Djibouti, Egypt, Eritrea, Gambia, Guinea, Guinea Bissau, Ivory Coast, Kenya, Libya, Mali, Mauritania, Morocco, Niger, Sao Tome and Principe, Senegal, Sierra Leone, Sudan, Togo iyo Tunisia kuwaasi oo dhamaantooda ka wada doodaya sidii xal dhameystirsan loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan Qaarada Africa.

Waxaa Ururkan ay xaruntiisu tahay wadanka Libiya ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada ugu waaweyn ee dhinaca dhaqaalaha ee ka jira qQarada Africa.

SomaliSwiss  Tripoli

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: