Sarkaal ka tirsan xoogaga Muqaawamada oo lagu magacaabo (Qataatow) oo xalay toogasho lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho.

Mudisho

Halkaan ka akhri

Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsan xoogagga Muqaawamada Soomaaliyeed, kaasoo lagu magacaabo C/qaadir Abuu Xamza (Qataatow) gudaha magaalada Muqdisho.

C/qaadir Qataatow ayaa lagu dilay xalay xilli uu ku sugnaa banaanka gurigiisa oo ku yaala Suuqa weyn ee Bakaaraha qeybta Cirtoogte ee magaalada Muqdisho, mana jirto cid ilaa iyo haatan si toos ah u sheegatay dilkaasi.

Mas’uul sare oo u hadlay Ururka Xisbul Islaam ayaa ku eedeeyay dilkaasi in ay mas’uul ka tahay dawladda KMG Soomaaliya,¬†sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Cabdi Caraale ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin falalkan dilalka qorsheysan ah, isagoona carabka ku dhuftay in dilalka qoesheysan ay soo maleegtay dawladda KMG dawladda Ethiopiana ay qeyb ka tahay, sida uu dhigay.

Si kasta ha ahaatee maaha markii ugu horeysay oo ay dhacaan dilal sidan oo kala ah oo lala beegsanayo qaar kamid ah Saraakiishii hore ee katirsanaa MMIS ee lasoo dagaalamay ciidanlkii dowladda Ethiopia iyo weliba xubnaha katirsan dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: