Guddiga dib u heshiisiinta dawladda KMG oo soo saaray baaq ka dhan ah dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho iyo gobolada qaar.

gudiga_dibuheshiisiinta

Halkaan ka akhri

gudiga_dibuheshiisiinta

Guddiga dib u heshiisiinta dawladda KMG Soomaaliya ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dagaalada, isla markaana lagu xaliyo wax walba oo khilaaf ah ee la kala tabanayo miiska wada hadalka dushiisa.

Baaqan ayaa yimid iyadoo ay weli jiraan cabsiyo laga qabo in dagaalo mar kale dib uga qarxaan gudaha magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaar, maadaama hanjabaadyo ay warbaahinta isku marinayaan dhinacyada iska soo horjeeda ee dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogagga Mucaaradka.

Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisinta Ismaaciil Macalin Muuse ayaa ku dhiiri geliyey Saraakiisha sare ee dawladda KMG iyo xoogagga Mucaaradka in ay sameeyaan wada hadal si meesha looga saaro cabsiga laga qabo dagaal dib u qarxa.

Baaqan ayaa ku soo aadaya xili qoysas fara badan ay ka barakeceen guryahooda ay dhagta u taagayaan hadba xaaladda meesha ay marayso rajo weyna ka qaba in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda oo ay si nabad ah ugu noolaadaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: