Sirdoonka Booliska Sweden oo walaac ka muujiyay dhalinyaro fara badan oo Swidhish ah oo ku biiray dagaal yahanada Al-Shabaab.

al-Shabab somalia

Halkaan ka akhri

Sirdoonka Police-ka wadanka Sweden ayaa sheegaya in ay heleen xog caddeynaysa in kabadan 20 dhallinyaro heysata Passporka Sweden ay aadeen wadanka Soomaaliya, kuwaasoo ka barbar dagaalamaya xoogagga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Sirdoonka Sweden oo lagu magacaabo Patrik Peter ayaa sheegay in dhalinyaradaasi Swidhish-ka ah ay tababar ku qaateen Xerooyin ay leeyihiin kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab.

Patrik Peter sidoo kale waxaa uu sheegay in ay jiraan dhalinyaro kale oo fara badan oo iyagu Pasapooro Bug ah (fake passports) uga dhoofay wadanka Sweden iyo wadamo kale oo kamid ah Yurub, isagoo gaar ahaan carabaabay wadanka Ingiriiska (Britain). 

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in asalkoodii hore ay kasoo jeedaan Soomaali iyo waddamo kale, laakiin ay haystaan dhalashada wadanka Sweden.

Sirdoonka Police-ka Iswiidhan ayaan walaac ka muuiyay tirada sii kordheysa ee dhallinyaradaan aada dalka Soomaaliya si ay uga midnoqdaan dagaalyanada Ururka Al-Shabaab oo ku fikir ah Ururka Al-Qa’idda, dowladda Mareykankana ugu jira Liiska Argagixisada Caalamiga ah.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: