Wasiirka wasaaradda gaadiidka badda iyo dekadaha dalwadda KMG oo uga digtay ganacsatada inay adeegsadaan dekadaha ka baxsan Muqdisho.

xaabsade

Halkaan ka akhri

xaabsade

Wasiirka wasaaradda gaadiidka badda iyo dekadaha dalwadda KMG Soomaaliya Maxamed Ibraahim Xaabsade oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin u soo jeediyay ganacsatada in ay adeegsadaan dekadaha ka baxsan magaalada Muqdisho.

War dhowaan ay soo saartay dawladda KMG Soomaaliya ayay ku sheegtay in aan la isticmaali karin oo xayiraad lagu soo rogay dekadaha iyo garoomada ku yaala deegaanada gacanta ku hayaan xoogaga Mucaaradka.

Wasiirka gaadiidka badda iyo dekadaha dawladda KMG Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa carabka ku dhuftay in ay dhibaato la kulmi karaan ganacsatada hadii ay ka dhago adeygaan digniintan, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in aan la isticmaali karin oo ganacsatadu badeeco kala soo degi karin dekadaha iyo weliba garoomada ka baxsan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: