Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga dowladda KMG ah oo ku dhawaaqay in dowladda ay weerarayso Xoogaga Mucaaradka.

cshakuur

Halkaan ka akhri

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah dowladda KMG Soomaaliya C/raxmaan C/Shakuur ayaa mar kale ku celiyay in ciidanka dowladdu ay qaadeyaan howl galo ay ku sugayaan caasimada dalka ee Muqdosho, sidaas waxaa Saaka baahisay oo laga dhegaystay Idaacada Shabelle oo ka mid ah Warbaahinta ka howl gesha magaalada Muqdisho.

Wasiirku wuxuu kaloo  intaas ku darey in Dowlada KMG ah ay go’aansatey qaadida weeraro qorsheysan oo ka dhan fariisimada Xoogaga ay is hayaan, C/raxmaan C/shakuur oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Holw galo ayey Dowladu sameyn doontaa midkii horey samey saneyna way sameysay kuwo kale oo Amaanka ay ku sugeysana way sameyn doontaa, holw galada Amniga maaha kuwo Idaacadaha laga sheego xilliga la sameynayo iyo meesha laga sameynayo Dadka shaqada ku leh iyo xilliga ay qaadayaan iyo xilliga ay sameynayaa waa go’aan u yaal Hay’adaha Amniga ah waxaan rajeynayaa inaan ka hor dhicin oo la iska sugo”.

Wasiirku wuxuu kaloo uu sheegay in dowladdu ay ka quustey talaabo walba oo lagu raadinayo arrinta dib u heshiisiinta, balse aan la soo dhaweyn dalabyadooda, hase yeeshee wuxuu intaa raaciyay wali inaaney ka quusan dib u heshiisiin oo uu albaabkaas furan yahey wali.

Si kasta ha ahaatee ma’ahan markii ugu horeysay oo hadal macnihiisu yahey Dagaal ay Dowladda ka sheegto Saxaafada, balse waxaan la ogeyn talaabada ku xigta hadalkan uu ku dhawaaqey C/raxmaan S/shakuur.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: