Qarax xoogan oo geystay dhaawacyo fara badan oo ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kismaayo

Halkaan ka akhri

Qarax ka dhacay habeenkii xalay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa lasheegay in ay ku dhaawacmeen illaa 3 qof.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca magaalada Kismaayo tan iyo markii maamulka ay la wareegeen xoogagga haatan ka arrimiya ee Al-Shabaab.

Waxaa lasheegay in Bamkan uu geystay Nin aan heybtiisa lagaran, kaasoo ka geystay Qaraxaasi isgoyska Aargo ee bartamaha magaalada Kismaayo.

Ninkan Qaraxa geystay ayaa lasheegay in uu baxsaday qaraxa markii uu dhacay kadib.

Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay durbadiiba isku hareereeyay ciidamada ammaanka maamulka Kismaayo, halkaasoo ay ka qab qabteen niman sida ay sheegeen ay uga shakisan yihiin in ay kadambeeyeen qaraxaasi, kuwaas oo isla markiiba ladhigay xabsiga su’aalana lagu weydiinayay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Amniga magaalada Kismaayo ayaa sheegay in qaraxa uusan aheyn mid weerar ah, balse uu ku micneeyey in hadii uu weerar yahay qasaaruhu uu intaasi ka badan lahaa.

Dhanka kale howlgal ay sameeyeen ciidamada amnigaa magaalada Kismaayo ayaa waxay ku qab qabteen dad badan oo ganacsato ah, lamana oga sababaha loo qabtay dadkaasi ganacsatada ahaa.

Taliyaha ammaanka ciidamada magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyay ganacsatadaasi in magaalada ay soo geliyeen oo ay ka ganacsanayeen waxyaabo aan ku wanaagsaneyn anshaxa, sida uu hadalka u dhigay.

SomaliSwiss Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: