Qaramada Midoobay oo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa (Amisom) ee ku sugan Soomaaliya u kordhiyay waqtiga.

 Halkaan ka akhri

Golaha Ammaanka ee QM  ayaa waqtiga la sheegay inay waqtiga u kordhiyeen  Ciidamada Midowga Africa ee Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya kadib kulan xasaasi ah oo xalay ugu soo gaba gaboobay Magaalada New Yorka ee dalka Maraykanka.

Golaha Ammaanka oo Kulan ku yeesheen Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo sidii QM ay u garab is taagi laheeyd dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ciida Badal oo ah ku xigeenka Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan QM oo Xalay la hadlayay warbaahinta, kadib markii uu soo gaba gaboobay kulankaasi ayaa waxaa uu tilmaamay in la kordhiyay joogitaanka ciidamada Midowga Africa ee jooga Soomaaliya ilaa inta ay ka caawinayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya tababarkooda iyadoo aan la cayimin ilaa inta ay sii joogayaan Soomaaliya wallow la sheegayo in ay joogayaan ilaa sanadka dambe.

 Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa waxaa loogu deeqay lacago fara badan taasoo  qeyb ka ah lacagtii dhawaan dowladda Soomaaliya loogu aruuriyay Magaalada Brussels ee wadanka Biljimka.

Balse Ciid Badal waxaa uu meesha ka saaray in ay jiraan ciidamo cusub oo shisheeye oo la keenayo Soomaaliya,isagoo sheegay in waqtiga loo cusboonaysiinayo oo kali ah ciidamada Burundi iyo Ugand ee jooga Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in ay tababar buuxa siin doonaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Sida uu sheegay Mudane Badal in kulankaasi sidoo kale  lagu Cambaareeyay  Falalka xoogaga mucaaradku ay isugu dayeen in ay ku Afgambiyaan dowladda uu sheegay in ay tahay mida sharciga ee  uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo in la soo dhaweeyo go’aamadii madaxweyane Shariif iyo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ee ahaa  in ay dib u heshsiisiin iyo nad ay ku wajahaan kooxaha diidan dowladooda.

Sidoo kale Arintan ayaa noqonaysa xili bayaankii Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ee ku aadanaa bixtaanka ciidamada AMISOM oo ay u qabteen mudada 4-ta bil  ay ka harsantahay in ka yar 35-Maalin,waxaana uu go’aankani uu meesha ka saarayaa dhaqan galka go’aankii ay soo saareen hay’adda Culimada Soomaaliyeed taasoo in badan oo ka mid ah shacabku ay rajjo ka qabeen in ciidamada shisheeye ay isaga baxayaan Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu beesha caalamka ugu baaqay in ay ka taageeraan sidii  ay dowladiisa uga hortagi laheyd kooxo uu ku sheegay in ay ku soo duuleen Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: