Advertisements

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo dowladda Eritrea ku eedeeyay in ay hubeynayso xoogagga Mucaaradka.

madaxweynaha

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dawladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa eedeyn kulul u jeediyey dawladda Eritrea oo uu sheegay in ay hubeynayso xoogagga Mucaaadka ee kasoo horjeeda dawladda KMG ah.

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed wareysi uu siiyey wakaaladda wararka ee AFP ayaa waxaa uu ku sheegay in uu hayo cadeymo rasmi ah oo sheegaya in ay hubeyso kooxaha Mucaaradka.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa sheegay in Eritrea ay qeyb ka tahay dagaalada ka soconaya gudaha dalka, isagoo intaasi ku daray in ay jiraan saraakiil ka tirsan Eritrea oo yimaada gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa intaasi sii raaciyay in Eritrea ay doonayso in ay xarumo ka sameysato gudaha dalka Soomaaliya si duulaan ay ugu qaado dowladda Ethiopia, sida uu hadalka u dhigay.

Si kasta ha ahaatee dhowaan ayey aheyd markii ay Mareykanka, Midowga Afrika iyo dawlado kale ay eedeymahan oo kale u jeediyeen dawladda Eritrea, balse Erirea ayaa si toos ah u diiday oo gaashaanka u daruurtay dhammaanba eedeymahaasi loo jeediyey.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: