Maamulka Dekada Jabuuti oo u balan qaaday maamulka dekadda Muqdisho in ay dayactir ugu sameynayaan Dekada magaalada Muqdisho.

dekadda muqdisho

Halkaan ka akhri

Madaxa farsamada gaadiidka, islamarkaana ah guddoomiye ku xigeenka naadiga dekedda Muqdisho C/raxmaan Xuseen Cali (C/raxmaan Koolli) ayaa sheegay in dhowaan safar ay ku tageen dalka Jabuuti ay kula kulmeen Maamulka Dekada dalka Jabuuti.

C/raxmaan Xuseen Cali (C/raxmaan Koolli) oo Shir jaraa’id ku qabtay gudaha Dekada magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay safar ay dhowaan ku tageen waddanka Jabuuti, kaasoo uu sheegay in maamulka dekedda Jabuuti ay heshiisyo kala soo saxiixdeen islamarkaana ay wada shaqeyn doonaan Mustaqbalka dhow.

C/raxmaan Xuseen Cali (C/raxmaan Koolli) waxaa uu intaasi ku daray in ay ka qeyb galeen shir loogu magac daray (Muneyda) oo ay isugu imaanayeen maamulka dekedaha Africa, kaas oo ay soo qaban qaabisay dowlada Jabuuti, iyaga ay qeyb ka ahaayeen iyagoo matalayay maamulka dekedda Muqdisho ee dowladda KMG Soomaaliya.

C/raxmaan Xuseen Cali (C/raxmaan Koolli) ayaa sidoo kale sheegay in ay kulamo la qaateen maareeyaha dekedda Jabuuti Sacad Cumar Geelle, kaasoo uu sheegay in uu u ballan qaaday maamulka iyo shaqaalaha dekedda weyn ee Muqdisho, Qalab dayactir iyo tabarbaro lasiinayo Shaqaalaha guud ee dekedda Muqdisho.

Dekeda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa maamulkeeda haya Shirkad laga leeyahay dalka isku taga Imaaraadka Carabta oo layiraa Jabal Cali, taasoo horumar la taaban karo gaarsiisay habsami u socodka howlaha dekedaasi.

Maamulka dekada magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay balan qaadka ay u sameeyeen maamulka dekedda Jabuuti, kaas oo la xiriira dayactirka loogu sameynayo dekada weyn ee magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: