Gudoomiyaha cusub ee Ururla Xisbul Islaam oo ugu baaqay Warbaahinta gudaha in ay karun sheegaan waxa kadhacaya dalka Soomaaliya.

sh-xasan dahir

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha cusub ee Ururka Xisbul Islaam Sheikh Xasan Daahir Aweys, ayaa ku dhaliilay warbaahinta qaabka ay wararka u tabiyaan isagoona u soo jeediyey talooyin uu sheegay in lagu sixi karo qaladaadka jira, sida uu hadalka u dhigay.

Sheikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu warbaahinta kula taliyey in ay ku dadaalaan kahadalka runta, ayna wararka u sheegeen sida ay yihiin, isagoo ku dhaliilay in marar badan ay dhacday in ay warbaahinta tabiyaan warar is khilaafsan, sida uu yiri.

Warbaahinta gudaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa ku shaqeeya  marxalad aad u adag oo ka jirta dalka, iyadoona ay dhacday in wariyeyaal badan ay ku waayeen nafsadooda halka qaar kalena ay isaga barakaceen dalka.

Ugu dambeyntii Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa ku baaqay si dhibaatada looga gudbo howshana ay u noqoto mid wax tar leh in warbaahintu ay xooga saaraan tabinta xaqiiqda wax walba oo dhaca.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: