Abaabul dagaal oo ay wadaan Maamulkii Maxkamadaha ee G/Sh/dhexe oo ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada Jowhar.

Ciidamada Xisbul Islaam

Halkaan ka akhri

Mas’uul u hadlay Maamulkii Maxkamadaha Islaamiga ee G/Sh/dhexe  ayaa sheegay in ay wadaan Abaabul dagaal oo ay doonayaan in ay dib ugu qabsadaan gobolkaasi.

Macalin Daahir Cadoow Calasoow oo ahaa Gudoomiyihii Maxkamadaha Islaamiga ee G/Sh/dhexe oo xalay laga dhegaysatay isagoo wareysi siinayay Idaacada Shabelle ayaa sheegay in ay wadaan Abaabul Dagaal oo ay doonayaan in ay dib kula wareegeen gacan ku heeynta inta badan gobolka Sh/dhexe oo imina gacanta ugu jirta Xoogag Al Shababa iyo Xisbul Islaam oo is garbsanaya.

Gudoomiyaha oo su’aal laga weydiiyey sida ay kula wareegi karaan gacan ku heeynta degmooyinkii dhawaan lagala wareegay ayaa waxaa uu tilmaamay in iyagu ay yihiin dadkii u dhashay deegaanka islamarkaana lagu soo qaaday duulaan Gardaro ah sida uu hadalka u dhigay.

Sida  ay sheegayaan warar ka imaanaya gobolka Sh/dhexe in labada dhinac ku dagaalamaya Gobalkaas, ay wadaan Abaabul dagaal ayaa haddana shalay galinkii dambe uu dagaal qasaare geystay uu ka dhacay degaano ka tirsan degmooyinka hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe  halkaasi oo ay isaga hor imaadeen Ciidamada Maxkamadaha Islamaiga iyo Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo iyagu guulo ka kala sheegtay dagaalkaasi.

SomaliSwiss    Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: