Halkaan ka akhri
 Inaa Lillaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Allaha u naxriistee Wariye Nuur Muuse Xuseen (Nuur Inji) ayaa Maanta ku geeriyooday gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray dagaal ka dhacay magaalada Baladweyne 20, May 2009 oo aheyd Arbacadii lasoo dhaafay.
Wariye Nuur Muuse Xuseen (Nuur Inji) ayaa waxaa uu ka tirsanaa wariyeyaasha Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee magaalada Muqdisho, isagoona uga soo warami jiray magaalada Baladweyne ee xarunta G/Hiiraan.
Sidoo kale Wariye Nuur Muuse Xuseen (Nuur Inji) waxaa kaloo uu ka tirsanaa Idaacad ka howl gasha gudaha magaalada Baladweyne.
Allaha u naxriistee Wariye Nuur Inji ayaa waxaa uu ka mid noqonayaa wariyeyaasha nafsadooda ku waaya gudaha wadanka Soomaaliya, iyagoo ku guda jira howlahooda shaqo.
Maalinnimadii Jimcaha ayay aheyd markii magaalada Muqdisho uu ku geeriyooday Allaha u naxriistee Wariye C/risaaq Maxamed Warsame (C/risaaq Gaadaco) oo ka tirsanaa suxufiyiinta ka howl gasha gudaha magaalada Muqdisho, waxaana geeridiisa ay ka dambeysay ka dib markii rasaas ay ka haleeshay dhanka madaxa isagoo ku sugnaa agagaarka saldhiga degmada Wardhiigleey.
Dhamaan Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakada SomaliSwiss Radio and Website waxay  Tacsi tiiraanya leh u dirayaan Dhammaan Ehellada, Qaraabada iyo bahda Saxaafadda oo uu ka geeryiyooday Wariye Nuur Muuse Xuseen (Nuur Inji), Waxayna Alle uga baryayaan in uu Janadii Fardowsa ka waraabiyo.
 Aamiin, Amiin, Aamiin.
 SomaliSwiss London
>>>> Wariye C/risaaq Gaadoco oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.