Dr. Cumar Imaan Abuubakar oo iska Casilay Xilkii Gudoomiyenimo ee Al-Xisbul Islaam, iyo Sheikh Xasan Daahir oo loo magacaabay.

Iiman & Xasan Dahir

Halkaan ka akhri

Dr. Cumar Iimaan Abubakar oo ahaa Gudoomiyihii Xisbul Islaam garab ka mid ah ayaa sheegay in uu xilkaasi ku wareejiyay Sheikh Xasan Dahir Aweys.

Ururka hubeysan ee Xisbul Islaam ayaa Maanta doortay gudoomiye cusub uu yeesho, waxaana loo magacaabay Sheikh Xasan Daahir Aweys.

Warkan ayaa lagu shaaciyey Shir jaraa’id ay si wada jir u qabteen galabta Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo ah gudoomiyihii hore iyo gudoomiyaha cusub ee Xisbul Islaam Sheikh Xasan Daahir Aweys.

Dr. Cumar Iimaan ayaa hadal uu ka jeediyey munaasabadda uu xilka ku wareejinayay waxaa uu sheegay in uu weli xubin ka yahay ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah ururada hubeysan ee dagaalka kala soo horjeeda dawladda KMG.

Waxaa uu ku baaqay, Dr. Cumar Iimaan, gudoomiyihii hore ee Xisbul Islaam in lala shaqeeyo gudoomiyaha cusub ee uu loo doortay ururka Xisbul Islaam.

Dhowaan ayay ayeyd markii uu soo shaac baxay in ururka hubeysan ee Xisbul Islaam uu u kala qeybsamay laba garab iyadoo garab ka mid ah uu ku biiray dawladda KMG.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: