Halkaan ka akhri
 Dagaal culus oo u dhaxeeyay xoogag kala taabacsan Ururka Al-Shabaab iyo Maxkadaha Islaamiga qeybta raacsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa ka soconaya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalkan ayaa sida lagu soo waramaya waxaa uu geystay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac dad fara badan.
Hogaamiye u hadlay Ururka Al-Shabaab ee degmada Mahadaay ayaa sheegay in weerar ay ku soo qaadeen xoogag taabacsan Maxkamadaha Islaamiga oo iyagu kal hore lagala wareegay gacan ku haynta deegaano ay ka mid yihiin degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Illaa iyo hadda lama soo sheegin tirada dhabta ah ee dadka wax ku noqday dagaalkan oo weli soconaya.
Sidoo kale illaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka kale ee Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed qeybta raacsan dowladda KMG Soomaaliya .
Xaaladda degmada Mahadaay ayaa haatan la soo sheegayaa in ay tahay mid kacsan, iyadoona dadweynaha halkaasi ku dhaqan ay ka cabsi qabaan in uu dagaalka sii xoogeysto.
 SomaliSwiss Mahadaay
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.