Isbitaalada waa weyn ee magaalada Muqdisho oo Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom gaarsiisay deeqo kala duwan.

deeq_Hormuud

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta deeqo kala duwan ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ay gaarsiisay isbitaalada waa weyne ee Muqdisho iyo Bukaanada jiifa iyo ciidanka Naafadda xooga dalka Soomaaliyeed ee ku jira isbitaal Martiini.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo ka mid ah shirkadaha Isgaarsiinta ee ugu waa weyn dalka ayaa deeq isugu jirta Shidaal,Joodariyaal iyo lacag waxa ay gaarsiisay isbitaalada ugu wa weyn Magaalada Gaar ahaan Cusbitaalada Madiina,Keydsanay,Deyniile,Banaadir iyo isbitaalka Martiini oo ay ku jiraan ciidankii nafadda Xooga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa Isbitaalada Madiina, Keydsanay iyo Deyniile lagu wareejiyay maamulkooda min 20-foostoo Shidaal ah iyo min 100-Joodari oo loogu talagalay dadka dhaawacyada ee ku waxyeeloobay dagaaladii maalmihii ugu dambeeyay dhacayay kuwaasi oo jifa gudaha isbitaaladaasi.

Sidoo kale dadka bukaanada ah ee jiifa cusbitaaladaasi ayaa loo qeybiyay min  200-boqol oo kun oo Shilin Soomaali ah taasoo ay ugu talagashay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom waxaana ay si weyn ugu mahad celiyeen dadkaasi Shirkadda Hormuud.

Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir ayaa isna waxaa la gaarsiiyay 10-foosto oo shidaal ah,waxaan dhamaan dadka bukaanada ah ee cusbitaalkaasi jiifa loo qeybiyay min labo boqol oo kun oo  Shilin Soomaali ah.

Dhanka kale Ciidankii Naafadda Xooga dalka Soomaaliyeed oo iyana ku jira Isbitaalka Martiini ayaa loo qeybiyay lacag Doolar ah oo ay ugu talagashay Shirkadda Hormuud waxaana gudoomiyaha ciidanka Naafadda iyo Afhayeenkooda Cabdi Mahad Cali ay gudoomeen lacag gaaraysa 2-kun oo doolar.

Gudoomiyaha gudi ay ugu talagashay in ay qeybiyaan deeqdaan C/kariin Max’ed kaariye ayaa sheegay in deeqdaani ay qeyb ka tahay deeqo howlo shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay ku gar gaarayso walalaheeda dhibaataysan taasoo sanad waliba looga bartay.

Dhamaan maamulada Isbitaalada deeqdaan ay gaarsiisay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa  uga mahad celiyay deeqda ay gaarsisay shirkadda waxaana ay xuseen in ay ku soo aaday xili ay si aad ah ugu baahnaayeen.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Max’ed Yuusuf ayaa ugu mahad celiyay shirkadda Hormuud deeqdaani ay gaarsiisay maamulka Cusbitaalka iyo lacagtaani loo qeybiyay dadka ku dhibaataysan gudaha isbitaalka isagoo sheegay in ay ku soo beegantay waqti munaasab ah.

Si kastaba ha ahaatee Deeqdaan lacageed ee isugu jirta Shidaalka,Joodariyaasha iyo Lacagta loo qeybiyay bukanadda ee maanta shirkadda Hormuud ay gaarsiisay cusbitaalada ugu waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay imaanaysaa xili boqolaal ruux ay buux dhaafiyeen cusbitaaladaasi kuwaasi oo ku soo waxyeeloobay dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Run ahaantii Dadka deeqda la gaarsiisay ayaa waxaa ku jiray dad aan awooodin in ay iska bixiyeen sariiraha Cusbitaalada lagu seexdo iyo sidoo kale caruur da’adoodu ay ka yartahay 5-sanadod oo si aad ah gar gaar ugu baahnaa.

Hase yeeshee ma ahan markii ugu horeeysay ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ay deeqo nuucaani ah  ay ka qeybiso cusbitalada Magaalada Muqdisho iyadoo shirkadda Hormuud ay horay u gaarsiisay deeqo nuucaani ah cusbitaaladaasi iyo kuwa kale oo ay ku jireen dhaawacyo ay saameeyeen dagaladii ka dhacay Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@htmail.com

%d bloggers like this: