Wakiilka QM. u qaabilsan Soomaaliya Ahmedou Ould Abdalla oo Booqasho aan la shaacinin ku gaaray magaalada Muqdisho.

CORRECTION KENYA UN

Halkaan ka akhri

Wakiilka Q.M  ee Arimaha Soomaaliya Axmed Wald Cabdalla ayaa maanta Barqadii si qarsoodi ah ku yimid Magaaladda Muqdisho, Sida uu Noo xaqiijiyay C/qaadir Maxamed Cusmaan (C/qaadir Barnaamij) Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada DKMG ah.

Sida lagu soo warramay Axmed Wald ayaa kulan degdeg la qaatay Xubnaha ugu Sareeya Dowladda KMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Cumar C/rashiid, waxayna labada dhinac ay ka wada hadleen Xaaladda Guud ee wadanku marayo, sidoo kale waxay is-dhaafsadeen Warbixino la xiriirta Xaaladda Soomaaliya.

Dhanka kale dad ku dhadhaw xafiiska Cumar C/rashiid oo ayaa sheegay in Axmed Wald Cabdalla uu ka yimid Nairobi ka dibna uu dib ugu laabtay.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inuu ku sugnaa Muqdisho wax ka yar 3 saacadood, waxayna ilo xog ogaal ahi sheegayaan in intii uu ku sugnaa Madaxtooyadda lala beegsaday Dhowr Madfac kuwaas oo aysan jirin cid sheegatay Mas’uuliyadeeda iyo waliba Khasaaraha ka dhashay intaba.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: