Ururka Islaamka oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda Dalka Soomaaliya.

Islamic fighter.jpg1islam Conf

Halkaan ka akhri

War ay soo saareen Ururka Islaamka ayaa  ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya kadib shir ay ku yeesheen Wadanka Siiriya.

Golaha wasiirada arimaha dibadda ee wadamada xubnaha ka ah Ururka Islaamka ay Shirkoodii 36-aad ku yeesheen Magaalada Dimishiq ee xarunta wadanka Siiriya ayaa waxay ka soo sareen qodobo dhowr ah oo ku aadan Soomaaliya,Pakistaan iyo Yemen.

Qaraarka laga soo saaray Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ugu baaqaya dhinacyada Soomaalida in ay taageeraan heshiiskii Jabuuti iyo in la qaado Dhamaan tilaabooyinka ku haboon sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideysan lahayeen taakuleynta Bini’aadanimo, waxaa sidoo kale Qaraarku uu ku baaqay in xubinimadii Soomaaliya ee ururka Islaamka dib loo soo celiyo.

Si kasta ha ahaatee Qaraarka ayaa waxa uu cambaareeyay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyagoona ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaaladaasi.

Dowladaha Xubnha ka ah Ururkaas shirkaas oo ka qeyb galay ayaa ku baqeen la cunaqabateeyo gobolada duulimaadka ka caagan ee Soomaaliya marka laga reebo howlaha gar gaarka bini’aadanimada oo dowladda KMG Soomaaliya Fasax looga heysto,iyagoo sheegay in xanibaada lagu soo rogay qar ka mid ah dekadaha dalka Soomaaliya ay tahay tilaabo looga hortagayo in hub uu soo galo Soomaaliya.

Sida aad la socotaan waxaa dhawaantan Midowga Africa uu dalbaday in cunaqabateyn lagu soo rogo  garoomada iyo dekada ay gacanta ku hayaan xoogaga muqaawamada si aan hub looga soo dajin.

SomaliSwiss Wakaaladaha Wararka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: