Golaha Wasiirada Dowladda KMG ah oo maanta ku dhawaaqay inay Xiran yihiin Dhamaan Garoomada iyo Dekadaha ka baxsan Magaalada Muqdisho.

Villa Somali

Halkaan ka akhri

Golaha Wasiirada Dowladda KMG ah oo maanta yeesheen Shir aan Caadi ahayn oo Shir Gudoominayey Ra’iisalWasaare Cumar C/rashiid ayaa laga soo saaray shirkooda Go,aamo ay kamid yihiin in maanta laga bilaabo Cir iyo Bad ay ka Xanibeen Dhamaan Goobaha ay ka taliyaan Xoogaga Islaamiga ah ee Dowladda KMG ah ka soo horjeeda, gaar ahaan Garoomada iyo Dekedaha marka laga reebo Garoonka iyo Dekeda Muqdisho.

Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda KMG ah Farxaan Cali Max’ud oo Shir’jaraaid ku Xarunta Villa Somalia ayaa ku Dhawaaqay Go’aanka lagu Xanibayo Garoomada iyo Dekedaha ku yaala Goobaha ay Mucaaradku ka Taliyaan oo Dhan.

Wasiirku oo arrintaa ka hadalaya ayaa yiri:“laga bilaabo Maanta wey Xiran yihiin Dhamaan Garoomada iyo Dekadaha ka baxsan Magaalada Muqdisho ee ku xusan Go’aamadii IGAD wax Alaale wixii arimaha Bini’aadanimo ah Garoomadaas wey u furan yihiin iyo waxa alaale iyo wixii kale ee howl ah sida IGAD go’aankeeda ku Xusan Dekedaha iyo Garoomadaasna wey ka Xaniban yihiin”.

Danka  kale Farxaan ayaa Sheegay in wixii arimo Bani’aadan ah la soo weydiisan karo Wasaaradaha Gaadiidka iyo Dekedaha waxa uuna yiri:“Wixii arimo gaar ah ee ku saabsan gaar ahaan Bini’aadanimada waxa la soo weydiisanayaa Hey’adaha ay Quseyso oo ay kamid yihiin Wasaarada Gaadiirka Cirka iyo Dhulka iyo Wasaarada Badda iyo Dekedaha, Wasiiradaas ayaa go’aan ka gaaraya wixii ka baxsan arimaha Bini’aadani nimo ee aan ku Xusneyn go’aamadii IGAD”.

Sidoo kale waxa uu sheegay Farxaan inay Golaha Amaanka ee Q.M ka Codsadeen in ay ansixiyaan Dhamaan go’aamadaas waxa uuna Farxaan yiri: “waxaan UN-ka Qeybtiisa Golaha Amaanka ay Wasiiradu ka Codasadeen in la ansixiyo Dhamaan Go’aamadaas si buuxdana loo dhaqan Galiyo”.

Mudane Farxaan oo mar wax laga weydiiyey inta ay Xirnaan Doonaan Dekadahan iyo Garoomadan ay Maanta Sheegeen in ay Xireeen ayuu ka gaabsaday Xiliga ay ku egtahay Xayiraada ay Sheegeen in ay DKMG ah Soo rogtay, balse Wasiirku wuxuu ka gaabsaday imaanshiyaha uu Magaalada Muqdisho yimid Ahmed Ould A/lla mar ay saxaafadu wax ka weydiisay arinkaa.

Si kasta ha ahaatee Bulshada Soomaaliyeed ayaa ka dhowr sugayso suurta-galnimada sidii loo dhaqan gali doono Amarkan, balse Isbuucan Gudihiisa ayey haeyd markii Urur Goboleedka IGAD ay soo saareen go’aan ay ku Xanibayaan Garoomada iy Dekedaha ku yaala Gobolada ay ka taliyaan Xoogaga Islaamiga ah ee ka soo horjeeda Dowladda KMG ah.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: