Al-Shabaab oo sheegatay Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee Shalay lagu qaaday ciidanka Militariga dowladda, uuna Fuliyay wiil Soomaali ah.

Halkaan ka akhri

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Shaley xarun ay deganaayeen ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya oo iyagu fariisin ku lahaa xarunta Keydkii hore ee Shidaalka degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Madaxa gobolada u qaabilsan ee xarakada Al-Shabaab Sheikh Xuseen Fiidow ayaa warkan waxaa uu ka sheegay Shir jaraa’id oo uu dhanka taleefanada ugu qabtay Saxaafadda.

Sheikh Xuseen Fiidow waxaa uu sheegay qofka is qarxiyey (naftiis-huraha) in lagu magacaabo C/qaadir Xasan Maxamed (Catiir) dhalashadiisuna ay tahay Soomaali ku dhashay degmada Madiina, sida uu hadalka u dhigay.

Sheikh Xuseen Fiidow waxaa kaloo uu sheegay in Ismiidaaminta ay ku dhinteen Saraakiil ka tirsan dawladda KMG, maadaama goobta ay fariisin u tahay ciidanka Militariga dawladda KMG Soomaaliya.

Masuulka ayaa ku tilmaamay in ay Qaraxa ku laayeen waxa uu ugu yeeray Murtadiin, wiilka Isku Qarxiyayna uu helay Shahaado wanaagsan oo uu Janada ku galayo, sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uulkan u qaabilsan gobolada xarakada Al-Shabaab ayaa ugu dambeyntii waxaa uu farta ku fiiqay goobta lala eegtay Qaraxa in ay tahay xarun laga soo weerari jiray Mujaahidiinta oo madaafiic laga soo tuuri jiray, sida uu hadalka u dhigay.

Si  kasta ha ahaatee hadalkan uu sheegay masuulkan katirsan xarakada Al-Shabaab ayaa kusoo beegmaya, kadib markii Shalay Qarax Ismiidaamin ah lala garay xarunta Keydkii hore ee Shidaalka oo ay deganaayeen ciidamada Militariga Soomaaliya, oo iyagu dhamaan Soomaali ahaa..

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: