Maydad badan oo qaarkood ay yihiin Askarta dowladda oo Saakay laga helay aagagii uu Shalay dagaalka ka dhacay ee magaalada Muqdisho.

askari la dilay

Daawo Sawirada kale

Halkaan ka akhri

askari la dilay

Waxaa Saakay laga dareemayay magaalada Muqdisho xaala deganaansho oo aan sal wanaagsan ku taagneyn maadaama ay weli is-horfadhiyaan dhinacyadii dagaalamay, iyadoo dagaalkaasi qasaare lixaad leh uu ka soo gaaray dadka shacabka ee lagu dul dagaalamay.

Meydadka fara badan ayaa laga helay aagagii uu Shalay dagaalka ka socday ee wadada Wadnaha, halkaasoo ay ku baryeen meydad badan, kadib markii ay suurta galiwaysay in laga qaado.

APTOPIX SOMALIA FIGHTING

Sidoo kale waxaa wadooyinka lagu arkay Meydadka Askar katirsan dwladda KMG ah kuwaas oo iyagu yaalay wadooyinka, iyaga oo markaasi labisan dareyskii ciidanka dowladda KMG Soomaaliya.

Dadka ku dhaqan hareeraha wadada wadnaha ayaa Saakay waxaa u suurta gashay in ay ka soo baxaan guryahooda kadibna isaga barakacay cabsi ay ka qabaan in mar kale lagu dul dagaalamo darteed.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan wadada Wadnaha ayaa sheegay in ay ka soo bixi waayeen guryahooda intii dagaalku uu socday, xitaa ay kari waayeen in ay Cunno karsadaan.

Dagaalkii Shalay ayaa ka dhacay meela badan oo ay kamid yihiin, Isgoyska Howlwadaag iyo Bakaaraha, Wardhiigley, Hodan, halkaasoo Saakay lagu arkayay xoogagga hubeysan ee Mucaaradka, halka ay ciidanka dawladda ku sugan yihiin fariisimihii ay horey uga soo duuleen, taasoo muujinaysa in qasaare kaliya uu reebay dagaalkii Shalay, balse aan jirin cid lagu riixay dagaalka oo lagala wareegay xarunteeda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: