Xaaladda magaalada Muqdisho oo Saakay degan, kadib dagaala xoogan oo Shalay ka dhacay.

Mudisho

Halkaan ka akhri

Magaalada  Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa degan saaka Xaaladeeda, kadib dagaalo xoogan oo shalay oo dhan ay ka dhaceen qeybo ka mid ah Magaalada, iyadoo dagaalkaas uu ahaa kii ugu Saacada badnaa  ee ka dhaca Muqdisho mudooyinkan danbe.

Sida lagu soo warramay Ciidamada Dowladda KMG iyo Xoogaga Hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa wali isku hor fadhiya goobihii ay shalay ku dagaalameen, waxaana labada dhinac ay yihiin kuwo aad isugu muuqda.

Sidoo kale waxaa dib u bilowday isu socodkii dadka iyo gaadiidka wadada wadnaha, halkaasoo aheyd meelihii ugu badnaa ee dagaalada ka dhaceen maalintii shalay, waxaana saaka dib loo furay ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo shalay dagaalada ku xirmay.

Dagaaladii shalay ka dhacay oo  ka dhashay Qasaaraha dhimasho iyo dhaawac badnaa ayaa wali ah mid isa soo taraya, iyadoona dhimashada ay hada caga cageyneyso ku dhowaad 40 ruux dhaawacuna uu ka badan yahay 120 ruux, kuwaasoo la dhigay Cusbitaalada Muqdisho.

Balse Xaafadaha Degmooyinka Hodan, H/wadaag, Wardhiigley iyo Yaaqshiid ayaa xaalad degenaansho laga dareemayaa, inkastoo cabsi ay ka jirto in mar kale ay dagaalo dib uga dhex bilowdo labada dhinac ee iska soo horjeeda.

Dhanka kale Xaafadaha Hodan iyo H/wadaag ayaa saaka ka cararaya Qoysas fara badan, waxaana dadka ay yihiin kuwo ka cabsi qaba in dagaalada mar kale ku bilowdo, kadib markii ay shalay ku go’doomeen xaafadahooda, dagaalo adagna ku qabsadeen.

Si kasta ha ahaatee ilaa iyo hadda ma jirto wax waan waan ah oo la wado labada dhinac, waxaana ay yihiin kuwo wali u nugul inay dagaalamaan, marka loo eego hadalada ay warbaahinta iska dhaafsanayaan, iyadoona shalay Dowladda KMG ay wacad ku martay in dagaalada ay sii wadi doonto ilaa Muqdisho ay ka saarto Kooxaha ka soo horjeeda

SomaaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: