Dowladda Soomaaliya oo diiday in maxaabiista Soomaalida Bucad Badeeda ah lagu xiro xabsiyada dalka Kenya.

Daawo Sawirada Kale

Halkaan ka akhri

köpenhamn Saturday, 23 May 2009 SMC  

Arrinkan ayaa yimid kagadaal Shir muhiim ah oo burcad badeedka ku saabsan oo beesha caalamku ku yeelatay Denmaark 04-06 bishan Maajo.

Kulankaan taariikhiga ah oo lagaga hadlayey xarrigga burca-badeedda soomaaliyeed ayaa ka dhacay Dalka Denmaark. Martigelinta kulanka  waxa lahaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Denmaark.

Kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen dalal badan oo kor u dhaafay ilaa 30 dal, hey´ado caalami ah, iyo ururo khubaro  ayaa Kooxda Xiriirka ee ka hortagga burcad-baddeedka Xeebaha Soomaaliya ”Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS)” uga  dooday arrinta ku saabsan xarigga burcad-badeedda, sameynta koonto dakhli howshaa lagu qabto iyo sharci ahaan sida arrintaa ay ku dhici karto. 

Soomaaliya ayaa waxa shirkan uga qeybgalay Ra´isulwasaare kuxigeenka Soomaaliya ahna Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda professor Cabdiraxmaan Xaaji Aadan ”Ibbi”, danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Mudane Maxamed Cali Ameeriko, lataliyaha Ra´sul wasaare kuxigeenka Dr. Xuseen Cali Axmed, iyo Lataliyaha Soomaaliya ee heshiisyada caalamiga iyo Xiriirka Scandinavia Dr. Maxamed Abshir.

Prof. Ibbi oo ay dhinac fadhiyaan sharci yaqaano badaha Dr Dr. Hussein Ali  Ahmed

Dr. Mohamed Abshir Amb. Mohamed Ali Ameriko

Dowladda Keenya oo ka mid aheyd dalalkii ka soo qeybgalay kulankaa ayaa dalbatay lacag aad u farabadan, iyadoo ku dooday iney dooneyso in laga kaalmeeyo sidii ay u heli laheyd caawinaadda ah waxa dowladdda Keenya ugu yeertay dhisma awoodeed ”Capacity Building”, si ay markaa awood ugu hesho in ay ku heyso maxaabiista burcad badeedda ah xabsiyada dalka Keenya.     

Ra´isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda prof. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan ”Ibbi”, oo horkacayey  wafdigii ka socday  Soomaaliya ayaa si buuxda caalamka ugu sharxay burcad badeedda, sida arrinku ku haboon yahay, iyo mowqifka dowladdiisa, isagoo ku tilmaamay in wufuudda dalalka qaarkood iney ceeb ku tahay in hortiisa ay fadhiyaan iyadoo si sharci darro ah maraakiibtoodu uga kaluumeystaan dalka soomaaliya.

Ka kalluumeysiga sharci-darrada ah ee biyaha Soomaaliy, ayuu Ra´isul wasaare ku xigeenku ku tilmaamay in ay tahay mid ka mida sababaha ugu waa-weyn ee kallluumeysatadi soomaalida ay carro aawadeed af-duub ugu dhaqaaqeen maraakiibta sida sharci darrada ah uga  kalluumeysta biyaha soomaaliya, una booba kheyraadka biyaha Soomaaliya, kaba sii darane  sumeeya biyaha dalka.  Sidoo kale waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay codsiga dalka Keenya oo ah in la siiyo lacag si ay Soomaalida xabsi ugu gurto.

Ra´isul wasaare ku xigeenka prof. Ibbi waxa uu intaa raaciyey in arrinka burcad-badeedka lagala shaqeeyo oo kaliya dowladda Soomaaliya. Haddii ay ahaan laheyd la dagaalan, xabsi iwm. Waayo buu yiri burcad badeeddu waxa ay ka soo duulaan tagaan dhulka, dhulkana waxa wax uga qaban kara oo kaliya waa dowladda Soomaaliya, oo awood buuxda u leh wax ka qabashada arrinkaas, caalamkana looga baahan yahay inuu gacan siiyo dowladda oo uu taageero.

Dr. Maxamed Abshir oo kulankaa ka qeybgalay ayaa ku tilmaamay hadalada wasiirka mid geesinimo leh. Ra´sul wasaaruhu waxa uu si toos ah u difaacay danaha dowladdiisa iyo tan soomaalida marka laga hadlayo arrinkan burcadbadeedka sidoo kalena waxa uu u gudbiyey wufuuddi ka soo qeybgashay kulanka farriinta dowladdiisa oo cad.

Dood dheer oo adag kadib ayey CGPCS ku kala qeybsantay arrinka, taas oo ku timid runtii markii xubnihii Soomaliya uga qeybgalay shirka ay hordhigeen wufuudda shirka fashilka iyo cawaaqib-xumadda ka iman karta haddii muwaadiniin soomaaliyeed lagu guro xabsiyada Kenya, oo caalamkuna uu ku saacido tacaddigaas.

Maxamed Abshir oo ah khabiir xallinta khilaafaadyada iyo xiriirada caalamiga oo aan wax ka weydiiney kulankan iyo kala qeybsanaanta Kooxda Xiriirka ka hortagga burcad-baddeedka Xeebaha Soomaaliya ”Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS)”, ayaa noo xaqiijiyey in quwadaha ugu  waa weyn caalamka badankood, iyo ururada daneeya arrimaha soomaaliya ay la safteen Soomaaliya oo diideen in Kenya kula heshiiso dalalka qaarkood iney u soo gacan geliyaan bucadbadeedka lacagna ku siiyaan iyada, waxana ay soo jeediyeen  in arrrinka loo daayo oo lagu caawiyo dowladda Soomaaliya.

Maxamed Abshir waxa uu yiri: Suurtogal ma noqon karto, marka la eego xagga sharciyada gobolka, midka qaranka Soomaaliya iyo midka caalamiba in dal kale uu  ka dhigto Soomaalida mashruuc lacag lagaga raadsado adduunka, soomaaliyana waa dal xor ah oo aan hoos imaan Keenya iyo dal kale  midna, arrimaha soomaaliyana lagalama hadli karo cid aan soomaaliya ahayn, sidaas waa sharci lamana jebin karo. Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in la helo xal keeni kara in dhibaatadan dhammaato, ee uma baahna in laga sii daro. 

Haddii caalamku ogolaan lahaa arinka Keenya dalbatay, waxa suurtogal noqon, si mashruucan lacag doonka ahi u meelmaro, in la soo qab-qabto kalluumeysato soomaaliyeed oo la yiraahdo waa burcadbadeed, sidi horey u dhacdayba. Sidaas darteed ma ogolaanayo in dad Soomaali kalluumeysato ah oo ka kaluumeysanaya biyaha baddooda lagu tilmaamo burcadbadeed iyagoo aan aheyn, haddana la xiro oo loo masaafuriyo dalal kale oo ciqaab loogu geysto xabsiyada dalalka dibedda, si loogu helo ciqaabtooda lacag.

Taasi waxa ay ku noqon kartaa masiibo xirfadda kalluumeysi ee dalka iyo iney adkaato in la helo cid ku dhiirata iney kalluumeysato oo malaay oo dhanba aan laga cunin gudaha Soomaaliya. Taas waxa ay keeneysaa hoos udhac dhaqaale oo ku yimaada Soomaaliya, iyo hormar dhaqaale oo ay sameeyaan hadba ciddi soomaalida bedelkeeda ka kaluumeysato badda Soomaaliya. Taas oo ka  ka dhigan in dal kale uu ku gaaro horumar, kuwii lahaa Badda-na ee somalida ah ay soo food saarto dhibaato cunno xumi ah ama mid dhaqaalle. 

Waana masiibo iyo sharci darro. Degenaansho la´aan hor lehna wey abuuri kartaa. Ulajeedadu waa in burcadbadeedka laga hortagaa, ee ma ahan in soomaali kasta oo badda Soomaaliya ku jirta la soo xiraa.    

Xallinta dhibaatada burcad badeedda waxa xaq iyo sharci u leh oo ay tahay inuu caalamku kala shaqeeyo kuna caawiyo, dowladda soomaaliya, ayuu yiri Maxamed Abshir. Tan kale erayga burcad-badeedda Soomaaliya waa eray aan ku habooneyn, maxaa yeelay tusaale shalay waxa lagu af-duubay biyaha Filibiin markab Ingiriiska laga leeyahay, idaacaduhu waxa ay sheegeen in markabkaass lagu af-duubay  meel ka baxsan biyaha Filibiin.

Sidaas si la mid ah waxa aan ognahay in Burcabbadeeddu ay afduub ugu geystaan maraakiib meelo ka baxsan biyaha Soomaaliya. Marka idaacaduhu maxey u dhihi waayeen meel ka baxan biyaha soomaaliya ayaa afduub ka dhacay. Maxey uga dhigayaan sida soomaalida oo dhan oo dambileyaal  burcadbadeed ah.

Waxaaan weydiiyey Maxamed Abshir diidmadi uu diiday sidoo kale in hawada lagala dagaalamo burcadbadeedka. Wuxuu yiri: Walaal waxa haboon in caqliga nadiifkaa la adeegsado, waxa laga yaabaa in garaaciddu ay tahay  arrin ulajeedo kale leh, ma ahan la dagaalan burcadbadeed, maxaa yeelay tiro yar oo  burcad badeed baa dayaarado lagu garaacayaa oo hubka wax gummaada lagu ridayaa macnaheedu waa degmooyin iyo tuulooyin soomaaliyeed baan gebi ahaanba la burburineynaa, rayid badannaa la leynayaa.

Su´aasheydu waa Sharci ma loo heystaa? Ulajeedo kabaxsan tan la sheegay miyaa jirta? Yaa caddeyn kara? Tee baa muhiimsan in rayid la laayo iyo la badbaadiyo? Yaa ka mas´uul ah haddii dad rayid ah ay ku dhintaan garaacidda, iyadoo hal burcad badeed uusan waxba ku noqon garaacidda? Hub noocee ah baa la isticmaalayaa? Saameyn intee la eg buu hubkaasi ku yeelanayaa degaanka, dalagga, iyo dadka? Imisa meelood baa la garaacayaa? Yaa garaacaya? Yaa amraya? Mas´uuliyadda khaladkii dhaca yaa qaadaya? Ma la damaanad qaadayaa in garaaciddu ay keeneyso natiijada ugu wanaagsan? Iwm. 

Su´aalahaas iyo macnaha ka dambeeya oo dhan baan rabaa in la iga siiyo jawaab ku haboon ka hor inta aan laga hadlin Soomaliya meel ka mid ah baa la garaacayaa. Soomaaliya oo dhanna waa isugu key mid W/bari, W/galbeed Bartamaha, iyo koonfurta Soomaaliya ayuu ku soo gebo gabeeyey hadalkiisa Maxamed Abshir.

Sourse Somaliweyn

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: