Ciidamada Badda ee dowladda Talyaaniga oo qab qabtey 9 Burcad Badeed Soomaali ah.

burcad badeed

Halkaan ka akhri

Dowladda Taliyaaniga ayaa sheegtay in Ciidamadeeda Badda oo qeyb ka ah Ciidamada huwanta ee Biyaha Soomaaliya ku sugan ayaa Gacanta ku dhigey 9 ka mid ah Burcad Badeeda kuwaas oo xilligaas ku howlanaa weerarida Markab Ganacsi.

Ciidamada Badda Talyaanigu  oo ka badbaadiyeen Burcad Badeeda Markabka Ganacsi oo laga lahaa Dalka Liberia oo xilligaas mareysay  Xeebaha Soomaaliya.

Warku wuxuu intaa ku darayaa ka hor inta ayna Ciidamada Talyaanigu qaban Burcadda waxay ku rideen rasaas dhowr balse wax iska caabin ah kalama aysan kulmin Burcadda arintaas oo keentay inay si dhib yar gacanta ugu dhigaan oo ay isa soo dhiibaan.

Ciidamada Badda Talyaaniga qabashada Burcaddaas, ka dib waxay baaritaan ku sameeyeen labo doomood oo yar yar oo Burcadu wateen, balse ma ayna sheegin wixii ay ka heleen.

Sida uu sheegay Warbaahinta Mas’uulka u qaabilsan Ciidamada Talyaaniga arrimaha War isgaarsiinta in ciidamada Badda Taliyaaniga ay badbaadiyeen Markabkaas ka dib markii ay heleen  qeylo dhaan ay u sii direen Shaqaalihii la socdey markabka Burcadda qafaalatay, ka dibna  ay u soo gurmadaan,

Sida laga war qabo Kooxaha Burcad Badeeda ee ka qowleysata Biyaha Soomaaliya ayaa dhibaato kale duwan ku haya Maraakiibta Gacnasi ee isticmaala Xeebaha Soomaaliya.

Dhanka kalase waxaa jira maraakiib shisheeye oo si sharci daro ah uga kalumeysta Biyaha Soomaaliya.

Isha Warka Ansa  

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: