Wasiirka Gaashaandhiga DKMG Soomaaliya oo sheegtay in ay la dagaalamayaan kooxaha Mucaaradka, illaa ay la wareegayaan Muqadisho.

Prof. Maxamuud Cabdi gandi1

Halkaan ka akhri

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka bilowday dagaal qorsheysan oo ay shacabkeeda ku bad baadineyso, isla markaana ay ku sifeyneyso mucaaradka ka soo horjeeda oo ay ku tilmaantay kuwo shisheeye u adeegaya, kana amar qaata Ajaaniibta la socda.

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi  oo ah Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaaladan  hadda bilowday ay yihiin sidii  ay dowladda  ay kula wareegi  lahayd gacan ku heynta magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Ciidamada Qaranka ayaa saakay dagaalada ku qaaday meelo badan si ay u la  wareegto meelahaas, dagaalkan oo soconayey ilaa Salaadda Maqribka  waa sii soconaa, ilaa laga sifeeyo kooxaha naga soo horjeeda, sidaas waxaa  yiri Prof. Gaandi oo sheegay in Dowladda lagu qasbay dagaalada.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga waxaa uu sheegay in Dib u heshiisiintii Djibouti kaddib ay Dowladda wada hadal iyo nabad ugu baaqday kooxaha ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay in ay Kooxahaas nabad iyo wada hadal diideen, isla markaana ay isku dayeen in ay dowladda af-gembiyaan.

Wasiirku wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyed inay garab istaagto Ciidamada qaranka, isla markaana ay ku taageerto howlaha ay kula wareegeyso Magaalada Muqdisho, isagooonta tilmaamay inay ku dadaalayaan in ay shacabka dejiyaan oo aanay dhibaato u geysan inta dagaalka uu socdo sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Shalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid uu sheegay in Dowladda ay u diyaar garowday dagaal ay la gasho Mucaaradka, waxaana la ogeyn halka uu ku dambeyn doono dagaalada ay iclaamisay Dowladda KMG, xilli Kooxaha Mucaaradka ay ku sii siqayaan Gobolada kale, isla markaana hada gacanta ku haaya qeybo badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: