Dagaal xoogan oo la isku adeesanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo Maanta dib uga qarxay Magalada Muqdisho.

Ciidamada Xisbul Islaam

Halkaan ka akhri

Dagaal qaraar ayaa Saakay subaxnimadii hore mar kale ka Qarxay magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeya xoogag taabacsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab iyo ciidamada dawladda KMG Soomaaliya, iyadoo dagaalka xoogiisa uu ka socdo wadooyinka gala Suuqa weyn ee Bakaaraha, Florenza, Howlwadaag, Aadan Cadde.

Dagaalka Maanta ayaa bilowday kadib markii ciidamada dawladda KMG Soomaaliya ay weeraro qorsheysan kusoo qaadeen wadooyinkaasi, iyagoona dagaal xoogan la galay xoogagga Al-Shabaab oo iyagu Maalmahanba gacanta ku hayay wadooyinka gala Suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Dagaalka Maanta ayaa lasheegay in ay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya kula wareegeen meelo badan oo ay kamid yihiin, wadada Wadnaha, Howlwadaag iyo Florenza.

Afhayeen u hadlay dawladda KMG Soomaaliya oo lagu magacaabo Farxaan Ciise Carsaan ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka Militariga dalwadda ay Saakay qaadeen howlgal lagu sifeynayo mucaaradka dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Afhayeenka cusub ee dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa isaguna waxaa uu sheegay in ay iska difaaceen weerar uga yimid dhanka dawladda KMG oo uu ku eedeeyay in ay damacsan yihiin bililiqo ay u geysato hantida Shacabka ee taala gudaha Suuqa Bakaaraha, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalka ka Maanta ka Qarxay degmooyinka Hodan Howlwadaag iyo Wardhiigley ayaa u muuqda mid sii xoogaysanaya waxaana sii kordhaya qasaaraha uu geysanayo.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: