Madaxii Maaliyadda iyo kii gudiga Shuurada ee maamulka gobolka Hiiraan oo is casilay.

baladweyne

Halkaan ka akhri

 

Xubna kale oo ay kamid yihiin madaxii Maaliyadda Cumar Dhicis Shuuriye iyo kii guddiga Shuurada Xasan Xuseen ayaa iyaguna Maanta ku dhawaaqay in ay iska casileen oo ay ka baxeen xubinimada maamulka gobolka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ayaa todobaadkii hore waxaa ka dhacay Qarax uu ka bad baaday gudoomiyaha maamulka oo isagu Shalay is casilay, waxaana qaraxaasi kadib la soo qabtay dad loogu shakiyey in ay ka dambeeyeen, iyadoo mid ka mid ah raggii la qabtay la dilay.

Mas’uuliyiinta Maanta iska casilay xubnimadooda ayaa waxaa ay ku eedeeyeen madaxda sare ee maamulka gobolka Hiiraan in si qaldan u fuliyeen xukunkii dilka ahaa ee ragii loo soo qabtay Qarixii ka dhacay magaalada Baladweyne, waxeyna sheegeen taas in ay ugu weyn tahay sababta ay isku casileen, sida ay hadalka u dhigeen.

Madaxii maaliyadda Cumar Dhicis Shuuriye ayaa sheegay in maamulka gobolka Hiiraan uusan doonaynin in uu qaato Shareecada Islaamka, halka madaxa guddiga Shuurada Xasan Xuseen uu sheegay in uu dareemay isbedal weyn oo aan lagu qanci karin.

Xubnahan ayaa cararbka ku adkeeyay in aysan dib ugu laaban doonin ka mid noqoshada maamulka gobolka Hiiraan.

Shalay ayey aheyd markii uu ku dhawaaqay is-casilaadiisa Gudoomihii maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Hiiraan Sheikh Aadan Jilibeey.

Si kasta ha ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan xubnahan iscasilay cadaadis uga yimid dhinaca xoogagga Al-Shabaab ee iyagu dagaalka kula jira xubnaha Maxkamadaha Islaamka ee iyagu ku biiray dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: