Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakada SomaliSwiss oo Tacsi u diray Ehelladii iyo Qaraabadii uu ka geeryiyooday Wariye C/risaaq Gaadaco.

gaadaco

Halkaan ka akhri

Dagaaladii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu  ku geeriyooday Wariye C/risaaq Warsame Gaadaco oo ka tirsanaa wariyryaasha Idaacada iyo TV-ga  Shabelle.

Alle ha u naxasiirtee Wariye C/risaaq Warsame Max’ed Gaadaco ayaa Dagaalada ka dhacay agagaarka qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho  ku geeriyooday kadib markii ay haleeshay rasaas ka mid ah  xabadaha la isku weydaarsanayo dagaalada.

Sida lagu soo warramay Wariye C/risaaq Warsame Max’ed ayaa ku geeriyooday agagaarka saldhiga degmada Wardhiigleey oo uu deganaa xili uu u soo socday meeshii uu ka shaqaynayey, taasi oo marka uu laamiga goyn rabay ay haleeshay Xabadihii la isweydarsanayay, waxaana meydkiisa uu wadada bartankeeda yaalay in mudo ah taasi oo markii danbe si dhib ah lagu qaaday Meydkiisa.

Alle ha u naxariistee c/risaaq Gaadaco ayaa waxaa maanta lagu aasay Qabuuraha Barakaad ee galbeedka Magaalada Muqdisho, waxaana Aaskiisa ka qeyb galay qaar ka mid ah eheladiisa iyo dad kale.

C/risaaq Gaadaco ayaa noqonaya Wariyihii labaad ee Sanadkan gudihiisa ka geeriyooda Idaacada Shabelle, waxaana horaantii sanadkan si bareer ah degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose loogu dilay Wariyihii degadaasi Xasan Mayoow Xasan Ilaah ha u naxarisitee.

 Dhamaan Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakada SomaliSwiss waxay  Tacsi u dirayaan Ehelladii iyo Qaraabadii uu ka geeryiyooday, Waxayna Alle uga baryayaan in uu janadii fardoowsa ka waraabiyo.

 Aamiin, Amiin, Aamiin.

 SomaliSwiss  Switzerland

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: