Ciidamada Militariga dowladda oo dib u qabsaday goobihii Saakay uu dagaalka ka dhacay iyo dagaalka oo Afka ku haya Suuqa Bakaaraha.

dagaal canug

Halkaan ka akhri

Dagaalo dib usoo xoogeystay oo saf ballaaran ah ayaa ka socda wadooyin badan oo uu saakay dagaalka ka bilowday, iyadoona dagaalka uu iminka oo kusoo dhowaaday Suuqa Bakaaraha, waxaana goor dhow dib u soo laba kacleeyay Ciidamadii Dowladda KMG Soomaaliya oo waabarigii saaka ku kalahay goobahaas, balse markii dambe dib loo caabiyay.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada Maanta ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay dib u qabsadeen goobihii saakay, sida Isgoyska Aadan Cadde, Howl-wadaag, Isgoyska Bakaaraha iyo Florenza, waxaana dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdaa dhinaca Isgoyska Bakaaraha.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda ay dib u soo rogaal celiyeen, isagoona sheegtay in dagaalka uu iminka Afka ku hayo gudaha Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada Dowladda ayaa Saakay galay Suuqa Bakaaraha, inkastoo dib looga soo caabiyay, waxaana xaalada ay u muuqataa mid marba qolo meel loo riixayo, iyadoona aan ilaa iyo hada la saadaalin karin halka uu xaal ku dambeyn doono.

Wariyaha SomaliSwiss ee Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ay la wareegeen Saldhiga Degmada Wardhiigley, waxaana dagaalka uu yahay mid aad u xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhinaca kale Ciidamada Dowladda ayaa guulo ka gaaray dagaal isna ka socda dhinaca waqooyi ee Degmada Yaaqshiid, iyadoona ay la wareegeen Laanta Horseed, Suuq Bacaad ilaa Hotelkii Towfiiq ee Jidka 30-ka.

Wararka dagaalka oo ah mid marba marka ka dambeysa isa soo taraya ayaa waxaa la dareemayaa xiisado xoogan oo aad ay cirka isugu shareertay, kadib markii saaka Ciidamada Dowladda ay qaadeen duulaan qorsheysan.

Sidoo kale dagaalka Maaanta ayaa waxaa ku geeriyooday wariye katirsan wariyeyaasha Idaacadda Shabelle, kaasoo ay ku dhacday xabad wiifta ah isagoo ku sugan xaafadda Xamar Bile oo uu deganaa.

SomaliSwiss Muqdisho

SoamliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: